Magaaldda Hargeysa oo Laga Xusay Sanad-guuraddii 39-aad ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti

Hargeysa – (warsoor) – Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa habeenimadii Isniinta lagu qabtay hotel Maansoor, xafladaasi oo lagu xusaayey maalinta xoriyadda Jamhuuriyadda Jabuuti ee 27 Jun.

Xafladan oo uu soo qaban-qaabiyey safiirka Jabuuti u fadhiya magaaladda Hargeysa Ambaasador  Xuseen Cumar Kawaaliye waxaana ka soo qayb galay Wasiira Arimaha Dibadda Somaliland, Wasiir ku-xigeenka Arimaha Dibadda Somaliland, gudoomiyayaasha labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI, Dr. Adna Aadan, masuuliyiin Ajaabin ah, jaaliyadda Jabuuti ee Somaliland iyo dadweyne reer Somaliland ah oo tiro badan.

Calanka_djibouti

Xuskan waxaa ugu horayn ka hadlay Safiirka Jamhuiryadda Jabuuti Xuseen Cumar Kawaaliye waxaanu ka sheegay qiimaha ay maalinta xorimadda Jabuutu u leedahay dadka reer Jabuuti, waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in caawa xuskan maalinta xoriyadda Jabuuti lagu xuso markii ugu horaysay magaaladda Hargeysa.

Munaasibada xuskan waxaa iyaguna ka halday Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Somaliland Dr. Adna Aadan, Gudoomiye xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxaanay dhamaantood ay hambalyo iyo bogaadin u direen shacbiga iyo dawladda Jabuuti munaasibadda xuska 39-aad ee xoriyadda dalka Jabuuti.

Waxaana dhamaan masuuliyiintani ku ay si qoto dheer uga warameen xidhiidhka walaaltino ee ka dhaxeeya dadweynaha reer Somaliland iyo Jabuuti waxaanay dhinacyo badan ka eegeen sida ay labadan shacbi ay cid walba iskaga dhow yihiin.

Waxay sidoo kale masuuliyiintani ay amaaneen horumarka ay ku talaabsadeen muddaddii 39-ka sano ahayd ee ay xoriyadooda la soo noqdeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.