Magaaladda Laascaanood oo laga Daahfuray Barnaamijka ka Hortaga iyo Daawaynta Nafaqo-darida

LAASCAANOOD – (WARSOOR) – Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa ka daahfuray Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Barnaamijka ka hortaga iyo Daawaynta nafaqo darada .

Munaasibadii daahfurka Barnaamijkaas waxaa kale oo ka qayb galay Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Sool, Mas’uuliyiinta hay’adda Ambikam oo fulinaysa barnaamijkan iyo shaqaalaha loo tababarayay Sidii ay deegaanada gobolkaasi uga soo fulin lahaayeen barnaamijkan.

Khadar Maxamud oo  ah Agaasimaha Hay’adda Ambikam waxaanu sheegay in 2009 ilaa 2012-kii ay Gobolka Sool ka fuliyeen Mashruuc Caafimaad oo mudo Sadex sano ah socday, waxaanu xusay inuu ku rajo weyn yahay in mashruucani uu wax badan ka bedeli doono nolosha mujtamaca waxaanu intaas ku daray in barnaamijkan ka hortaga iyo daawaynta nafaqo daradu uu socon doono mudo sannad ah isla markaana ay ka faa’iiidaysan doonaan Caruur iyo Hooyooyin badan.

Gudoomiyaha Gobolka Sool C.qani Maxamud Jiidhe iyo Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Sool Dr Maxamud Xaaji Khaliif ayaa ku dheeraaday Muhiimadda uu barnaamijkan caafimaad u leeyahay bulshadda ku dhaqan gobolka Sool waxayna kula dardaarmeen Shaqaalaha ka qayb qaadanaya fulinta barnaamijkan inay si xilkasnimo leh adeega caafimaad ee Mashruucani xambaarsan yahay u gaadhsiiyaan shacabka gobolka Sool.