Guddida Nabadgalyada Gobolka Sool oo soo saaray Go’aamo dhanka Amniga wax ka taraya

LAASCAANOOD – (WARSOOR) – Gudidda Nabadgalyadda ee Gobolka Sool oo kulan yeeshay maanta ayaa soo saaray qodobo ku saabsan adkaynta nabadgalyadda.

Xoghayaha Maamulka Gobolka Sool ayaa Warbaahinta u akhriyey Sideed qodob oo laga soo saaray Kulankii Guddida nabadgalyadda ee Gobolka Sool waxaana ka mid ahaa:-

1- Qabashada Hubka

2- Gadiidka aan Taarikada lahayn oo Talaabo laga qaadayo

3- Adkaynta Nabadgelyada Wakhtiga Kala guurka

4-Qoriga la qabto in la haynayo Mudo 3 bilood oo u dhiganta 90 cisho

5- Qofkii aan Ciidan ahayn ee lagu qabto Tuute isagoo xidhan sharciga ayaa la horgaynayaa.

6- in aan hub lagu qaadan karin magaalada dhexdeeda qofkii lagu qabto waa dambiile sharcigaana la horgaynaya.

7-Baabuurta wareegta Saacadaha dambe habeenkii ee la garan waayo shaqada ay hayso, waa la qabanayaa.

8-Baabuurta Bersoll (Bacda lagu dhajiyo Muraayada) leh waa laga goynayaa.

Maayarka Degmadda Laascaanood C.casiis Xuseen Taarwale, Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool Gaashaanle Sare Axmed C.laahi Cabdi iyo Taliyaha aaga bari ee Ciidanka qaranka Sareeye Guuto Cali Bare Xuseen ayaa sheegay in Go’aankan ka soo baxay Guddida nabadgalyada ee gobolka Sool uu wax weyn ka tarayo xoojinta nabadgalyadda ee gobolka Sool maadaama xiligan la isu diyaarinayo doorashooyinka isku sidkan ee Wakiilladda iyo deegaanka.

Gudoomiyaha Gobolka Sool C.qani Maxamud Jiidhe ayaa dhankiisa sheegay in go’aankani uu si rasmi ah maanta u dhaqan gelayo.