Madaxweyne Siilaanyo oo Golaha Wasiiradda u Qabtay Kalfadhi Aan Caadi Ahayn

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo maanta isugu yeedhay kalfadhi aan caadi ahayn wasiirada Xukuumadda iyo Maareeyeyaasha Hay’adaha Madaxa Banaan ee Dawladda.Madaxweynaha oo la hadlayey masuuliyiintii shirka ka soo qaybgalay ayaa yidhi “ Ugu horreyn, waxaan si weyn idiinku bogaadinayaa dedaalka iyo doorkii qiimaha lahaa, ee aad ka qaadateen ololaha doorashooyinka Xisbiga Kulmiye.

Waxaan aamin-sanahay, in aad udub-dhexaad u tihiin guusha xisbiga kulmiye gaadhay. Waxaan aamin-sanahay, in xisbiga kulmiye lagu doortay horumarkii iyo qax-qabadkii uu dalka ka hirgeliyey, ee aad bud-dhiga u ahaydeen. Waxaan aamin-sanahay, in aynu xaqiijinnay himilooyinkii iyo hadafkii aynu lahayn, xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba.

Mudaneyaal iyo marwooyin,

Sharaf weyn ayey ii tahay, aniga ka madaxweyne ahaan, iyo idinkaba, in  mar labaad xisbigeenii uu ku guulaysto hoggaaanka talada dalka. Sumcad iyo wanaagga aan maanta kaga tagay qarankan, idinkaa sabab u ah. Hoggaamiyayaashu way kala nasiib badan yihiin, ama wey kala cawo iyo ayaan badan yihiin.

Kumaan khasaarin, isla markaana eebbe iguma xilin, in aan idiin cugtay ama idiin magacaabay in aad noqotaan kaaliyayaashaydii.

Sidaa darted, waxaan jecelahay in aan dhammaantiin idiinka mahadceliyo, sidii hagar la’aanta ahayd ee aad u gudateen xilkii qaranka, isla markaana aad iila shaqayseen, iina garab is-taagteen.

Mudaneyaal iyo marwooyin

Sida aad la socotaan, waxaynu ku jirnaa xilli kala guud ah, oo aynu xilkii qaranka ku wareejinayno, madaxweynaha cusub ee la doorta, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Haddaba, waxaan idin farayaa in mas’uul waliba deg-deg u diyaariyo, xil wareejintii looga baahnaa.

Waxa kale oo aan idinku adkaynayaa in wakhtiga kala guurka ah, la ilaaliyo hantida qaranka. Wakhtiga iyo qaabka xil-wareejinta, waxa sharax dheeraad ah, gun iyo gebo-gebo, waxaan idinkaga tagayaa niyad sami, mustaqbal wacan, madaxtinimo iyo duco”.

Alle Ayaa Mahad Leh

Idinkaana Mudan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.