Madaxweyne Muuse oo Xeer Ka Soo Saaray Nidaaminta Hay’addaha Dawladda

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta digreeto madaxweyne ku  soo saaray hay’adda iyo wasaaraddda lagu sameeyey nidaamin iyo habayn.

Wareegtadan ayaa u qornayd sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/XM/249-11/012018  uu ka soo saaray Xeer-Nidaamiyaha, Dhismaha Wasaaradaha Iyo Hay’adaha gaarka ah ee Xukuumadda, kaasoo qeexaya:

  1. Wasaaradaha la isku-raray xilkoodii iyo waajibaadkooda shaqo,
  2. Hay’adaha madaxa-banaan ee wasaaradaha lagu daray oo ka mid noqonaya waaxo ka mida wasaaraddaha lagu daray,
  3. Wasaaraddaha loo bedelay hay’ad madax-banaan sida:- wasaaraddii hore ee Dib-u-dejinta oo loo bedelay hay’ad madax-banaan oo la yidhaahdo hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
  4. Hay’adaha Madaxa banaan ee iyaga laftooda la isku daray iyo
  5. Xilka iyo Waajibaadka shaqo ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-banaani ay ku shaqaynayaan oo la qeexay.

Madaxweynuhu:    

Markaan Arkay;              Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland;

Markaan Arkay:              Qodobka 104 faqradiisa 1aad ee Xeerka Nidaamka   Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr.71/2015, oo dhigaya in dhismaha wasaaradaha, habka iyo hannaankooda xil-gudasho, uu Xeer Madaxweyne ku soo saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland;

Markaan Arkay;              Qodobka 18aad ee Xeer Lr.71/2015 oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo isticmaalaya awoodihiisa xeereed uu u qoondaynayo  xukuumadda iyo laameheeda shaqooyinka;

Markaan Ku Qancay;       Muhiimada ay leedahay in xilalka laysu raaciyo hab la maamuli karo, si looga hortago habaca iyo kala daadsanaanta shaqada, iyo is-dul-fuulka xilalka iyo waajibaadyada haya’daha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 18aad, farqadihiisa 2aad, 3aad iyo 4aad ee Xeer Lr.71/2015;

Markaan Go’aansaday;     In ay xukuumaddu yeelato wasaaradaha lagama maarmaanka u ah xil gudashadooda, iyada oo laga duulayo siyaasadda guud ee xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 26aad ee Xeer Lr.71/2015;

Waxaan Soo-saaray

Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee Xeer Nidaamiye Lr. 01/2018.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.