Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Kormeeray Warshadda Karasharka Dawladda Hoose

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdrixamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta kormeeray Wershada iyo Kalasharka cusub ee Dawlada Hoose hirgelisay iyo Waddooyinka Casriga ah ee ay Wadaan galbeedka caasimada Hargeysa.

dsc_0039

Ku simaha madaxweynaha Somaliland oo ay wehelinayaan maayarka caasimada, wasiiro iyo xildhibaanada golaha deegaanka hargeysa ayaa maanta kormeer ku tegay wershada iyo kalasharka cusub ee ay dawlada hoose ee hargeysi ay hirgelisay laguna dhisayo wadooyinka caasimada oo bilowgiisiba maanta uu madaxweyne ku xigeenku soo kormeeray iyadoo ay wadaan 2.5Km wadadii u horaysay ahi.

Markii kormeerkaasi soo dhamaaday ayuu saxaafada la hadlay madaxweyne ku xigeenku waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Waxa dhamaanteen inoo wada farxad ah hawsha halkan ka socota iyo kalasharkii aan soo kormeernay oo ah halbawlaha dib u dhiska waddooyinka caasimada runtiina waxa aanu halkaa ku soo aragnay dedaal ay muddo dheer ku soo jireen kuna abuureen wixii lagu dhisi lahaa waddooyinka oo culays badani inaga saran yahay, caasimadii oo gaadiidkii ku sii faro batay, dadkii oo ku batay u baahan adeegyo farabadan oo kala duwan waddooyinkuna koow ka yihiin, runtii aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa maayarka caasimada iyo golihiisa deegaanka iyo shaqaalihiisa runtii, dhabar adag badan ayey sameeyeen, hawl aan loo dhabar adaygina dheefteeda lama helo runtii maantaanay gaadhay dheefteedii iyo wanaageedii in aan helno, waxan shacabka caasimada degan ugu baaqayaa laba qodob.

  1. wixii lagu leeyahay cashuur waa inay bixiyaan waana ta la rabo in wax la idiinku dhiso iyo waddo wanaagsan iyo adeegyada aad u baahan yihiin laydinku qabanayo, waxan qabaa cashuurta dhextaala ama ku baaqata dadka waa qaybta ugu muhiimsan ee dhisaysa dalka, waayo sababta aan ogahay ee cashuraha soo gaadha dawladaha hoose inta la bixiyaa waa inta (runningcost) ama kharashaadka u noqota, qaybtii horumarka ku bixi lahayd waa inta dadka ku baaqata waxanan leeyahay cashuurta ha la bixiyo, si aynu u dhamaystirano adeegyadaa ay ka kow yihiin adeegyadaasi waddooyinka ee inoogu dhibta badani.
  2. waa in laga qayb qaataa dhamana cid kasta oo maanta wax heli karaysaa waddooyinkaa la dhisayo ee ay nin walba gurigiisa hormarayso, kay gurigiisa hormaraysaana uu mudnaanta koowaad siiyo kuwa kale ee ganacsatada ah ee wax hayaana ay ku daraan.

Marka la bilaabo wadada Airportka ilaa saldhiga dhexe waxan qiyaasayaa in dhawr kun oo guri oo dhinacyada ka saaran ay soo dhex marayso quruxda halkaasi gurigaa qiimo ayey u yeelaysaa, waxan ku baaqaynaa ama aan faraynaa dadweynaha ay wadooyinkaasi hormarayaan inuu nin waliba ku darsado qadhaankiisa  sababtoo ah gacmo wada jir ayey wax ku go’yaan, awoodeena dawladnimaad ogtihiin, dawlada dhexena iskeed wax uma qaban karto dawladda hoosena iskeed wax uma qaban karto iskeed, markaa marwalba waxaynu ku soo dhisnayn iskaashi. Waddooyinkeena maanta magaalooyinka ka bilaabmay caasimadaha waa weyn waxay kuwada dhismeen iskaashigaa dawladii iyo dadweynihii aynu isugu geynay, markaa haddii ay maanta nasiib wanaag caasimadii samaysan tayba kalasharkii soo saarayey jayga iyo wershedii isku laaqaysay daamburka ee diyaarinaysay ay rooga sidaasuun u dhigayso, waa nasiib wanaag, mar hadii ay salkii keeneen qaan badana waa lagaga leeyahay oo waan ognahay, waxanan ugu mahadnaqaynaa dawladda jaarkeena ee Itoobiya oo runti qalabkan ka soo iibisay qayb badana soo amaahisay dawlada hoose, markaa culayskaa badan ayaa jira dawlad dhexe iyo dawlad hoosena aanay wada buuxin karin, markaa ummadda reer somaliland gaar ahaan dadka caasimada degan waxan leenahay gacmaha ha lays qabsado oo ha laga wada qaybgalo sidaan wadooyinkaa u dhamaystiran lahayn, waxaana inoo yaala wadooyin aad u farabadan sida wadada madaarka iyo wadada labaad ee dhabarka ka marta dhakhtarka weyn labadaasiba waa laba wado oo aad u culus midkiina uu yahay 4-5 Km oo aad u culus 10Km mitirna waad garan kartaan qiyaasteeda iyo waxa ku baxaya, maanta waxay wadaan laba kiiloo mitir iyo bad ayey wadaan (2.5KM)  waxanan leeyahay bulshada gacmo wada jir ayey wax ku qabtaane aynu dedaalno oo aynu qaadhanaka ka wada qaybgalno, dawlada hoosena aad ha loola shaqeeyo wayo dalku wuxu ka dhismaa dawladaha hoose, maamul daadejin ayeynu wadnaa markaa hadii aynaan la shaqaynin oo aynaan cashuurta inagu waajibta bixinin, qashina laynaga guri maayo wadana laynoo dhisi maayo aad iyo aad ayaan idinku bogaadinayaa dhamaantiin ummadda reer Somaliland meel aad joogtaanba inaan gacmaha is qabsano horumarka dalkana aynu isku kaashano”.

dsc_0076

sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Maayarka Caasimada Hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Maxmauud Caydiid (Soltelco) oo madaxweyne ku xigeenka warbixin ka siiyey halka ay wax u marayaan iyo sida ay u socoto dhawsha dib u dhiska wadooyinka caasimada hargeysa iyo qaab dhismeedka wershada iyo kalasharka cusub ee ay dhawaan hirgeliyeen kana gudbay tijaabadii koowaad hadana la wado sidii wadooyinka magaalada loogaga shaqayn lahaa, waxa kale oo uu maayarku tibaaxay dhinaca baahiyaha ay ka dawlad hoose ahaan doorbidayaan in ay kala qaybqaataan dadweynaha caasimada iyo ganacsatada kala duwan ee ku dhaqan caasimada hargeysa, si ayuu yidhi ay u hirgasho hadafka iyo ujeedka dawlada hoose ee ah in caasimadu noqoto mid dhinaca wadooyinka iyo adeegyada lagama maarmaanka ahi ay uga hanaqaadaan.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay xildhibaan Cabdicasiis Sisto oo ka tirsan golaha deegaanka caasimada hargeysa oo isagu qaabilsan wershada iyo kalasharka dawlada hoose dalka ka hirgelisay isagoo ku dheeraaday faah-faahinta qalabkaasi ugu fadhiyo dalka iyo sida ay ku dhaqaajiyeen hirgelintiisa.

Wasiirada wasaaradda warfaafinta iyo Arrimaha gudaha ayaa iyana halkaasi ka hadlay, dawlada hoosena ku amaanay shaqada ay qabteen iyo dedaalka ay ugu jiraan in caasimadu noqoto mid ka dhisan dhinaca wadooyinka oo dalalka horumaray laga qiimeeyo.

Madaxweyne ku xigeenka, Maayarka iyo xubnihii wasiirada, iyo xildhibaanada golaha deegaanka caasimada ee ku wehelinaayey kormeerka ayaa guud ahaan soo kormeeray socod lug ahna ku soo wada maray wershada iyo kalasharka cusub, sidoo kalena socod lug ah ku soo maray goobihii ay ka socotay dhismaha wadada caasimada soo gasha marka laga yimaado galbeedka hargeysa oo ay ku taalo wershadaasi cusubi.

ALLAA MAHAD

Xuseen Adan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.