Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Gawaadhi Ka Gudoomay Hay’adda WFP

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa hay’adda WFP  xafiiskeeda Somaliland kala wareegay Lix gaadhi oo ay hay’addu ugu deeqday hay’adaha dawladda ee ay wada shaqaynta leeyihiin.

Munaasibada deeqda lagula kala wareegay oo ku qabsoontay barxada qasriga Madaxtooyada, ayaa waxa iyaguna ku sugnaa Masuuliyiinta hay’adaha dawladda ee gaadiidka la siiyey, oo kala ahaa wasaaradaha Beeraha, Maaliyadda, Caafimaadka, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Hay’addaha ka hortaga aafooyinka dabeeciga ah (NERAD) iyo gudidda gurmadka abaaraha.

DSC_0042

Deeqdan ayaa waxa wareejiyey Mr Achille Aka, madaxa WFP xafiiskeeda Somaliland, kaasoo sheegay inay baabuurtan u bixiyeen si ay u xoojiyaan wada shaqaynta WFP, iyo xukuumadda Somaliland, gaar ahaan hay’adaha xukuumada ee ay hawlwadaaga yihiin.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa WFP uga mahadnaqay deeqdaasi, waxaanu raaciyey ereyo ay ka mid ahaayeen “waxan maanta halkan u joognaa in aanu kala wareegno hay’adaha WFP gaadiidkan deeqda ah oo dhan lix gaadhi oo ay muddo kooban isticmaalayeen, iyadoo markii hore ay caado u ahaan jirtay in marka ay gaadiidkaa muddo isticmaalaan ay dib u iibin-jireen oo ay xaraashi jireen, hase ahaatee sanadkan ay garteen in duruufihii dalka ka dhacay awgeed ee abaaraha aannu annaguna codsanay iyaguna ay garteen  in wasaaradihii ku hawlanaa inta badan abaaraha inay ugu deeqaan. Aad iyo aad ayaan uga mahadnaqaynaa, waa markii koowaad ee ay gartaan inay si toosa ugu caawiyaan wasaaradihii ay wada shaqaynta lahaayeen.

WFP mudadii ay Somaliland jirtay waa hay’adda aanu wada shaqaynta xooga ah leenahay, aad iyo aadna waan ugu mahadnaqaynaa  masuuliyiinta iyo shaqaalaha WFP iyo Maareeyaha hay’adda Xidhiidhka Qaranka, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo dhamaantoodba ka hawlgalay sidii gaadiidkani u soo gaadhi lahaa xukuumadda.

DSC_0008

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.