Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna Ku-simaha Madaxwayanaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb Galay Gunaanadka Tartan-ciyaareedka Bisha Ramadaan ee Garoomada Hargaysa Qaarka Mida

Hargeysa – (warsoor) – Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda somaliland,Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku-simaha madaxwayanaha Somaliland ayaa shalay galabta ka qayb galay munaasibad lagu soo gabagabaynaayay tartanoย  ciyaareed oo ย bisha ramadaan ka socday qaar ka mid ah garoomadda kubbadda cagta, isagoo madaxweyne ku xigeenku ka qayb galay kuwii ka garoomada .Xawaadle iyo 31 May.

????????????????????????????????????

Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha madaxwayanaha ayaa gunaanakii munaasibada halkaasi koobab ku gudoonsiiyay kooxihii ku guulaystay tar-tanka bisha barakaysan ee rammadaan kuwaas oo kala ahaa kooxda dhamays oo iyagu ku guulaystay tartanka garoonka Xawaadle isagoo madaxwayne ku-xigeenku bilado iyo shahaado sharafyo ku maamuusay ciyaartooyadii halkaasi ku ciyaarayay.

Dhinaca kale waxa madaxweyne ku-xigeenka iyo xubno xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE isugu jirey oo la socday ayaa u daawasho tagay ciyaar kama dambays ahayd oo ka dhacday garoonka 31-ka May, taas oo dhexmartay kooxaha Somaliland Horn Group iyo Shacabka, waxana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey dadweyne tiro badan oo daawashada ciyaarta ka qaybgalay.

Gebo-gebadii ciyaarta ayey guushu raacay kooxda Shacabka, waxana koobkii ay ku guulaysteen oo uu hore xisbiga KULMIYE u dhigay guddoonsiiyey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, isaga oo ciyaaryahannadii kaalinta labaad galayna ku hambalyeeyey dedaalka iyo kartida ay muujiyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.