Madaxweynaha Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb gali doono Dalka Uganda

Yugaandha – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo gaaray Uganda ayaa halkaasi uga qeybgali doono shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdiga la socday ayaa inta uu booqashada ku guda jira waxaa uu la kulmi doonaa madaxda Uganda iyo wufuuda kale ee shirka ka qeybgalaysa.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ku jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiin kale oo wada hadallo la yeelan doona dhigooda wadanka Uganda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.