Madaxweyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Furay Shir-weynaha Qaran Ee Sakadda

Hargeysa – (warsoor)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa saaka furay shirweynaha qaran ee Sakadda kaasi oo muddo laba maal-mood ah ka soconaya magaalada Hargaysa oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Diinta Iyo Aw-qaafta Jamhuuriyadda Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalle ayaa ugu horayn halkaasi ka hadkay waxaanu soo dhaweeyay kasoo qayb galeyaasha shirweynaha qaran ee Zakada.

Xubno kamid ah Culimada dalka oo sameeyay Daraasad ku saabsan Zakada ayaa ka waramay ahmiyadda ay bulshada u leedahay Zakadu iyo Tusaaleyaal lagu guulaystay oo bixinta Zakada ah.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa soo dhaweeyay kulankaas, waxaanuu xusay in wasaaradda maaliyaddu talaabo hore loo qaaday ay u aragto in wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland ay kulankan ku saabsan sakada daaf-furto, waxaanuu intaas ku daray sakadu ay qayb ka noqon doonto kor u qaadida dhaqaalaha iyo nolosha bulshada.

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay shirweynaha qaran ee Zakada waxaanu sheegay inay Zakadu kamid tahay tiirarka waaweyn ee ay ku dhisan tahay Diinta Islaamku, dawladuna ay u xilsaaran tahay inay bulshada ku wacyigeliso isla markaana fuliso waajibkaasi Diiniga ah.