Golaha Guurtida Oo Ansixiyay Xeerka Ka Ganacsiga Liisamada

HARGEYSA – (WARSOOR) – Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa cod gacan tag ah ku meel mariyay xeerka liisamada ganacsiga dalka xeer lanbar 98/2021 kaas oo ay wax ka badal iyo kaabis ku sameeyeen gudida golaha u xil saaran waajibkaasi.

Fadhigan oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golahaasi md Saleebaan Maxamuud Adan ayaa waxa kasoo xaadiray 48 mudane taasoo ay meel marinta xeerkaasi ogalaadeen 45 mudane, halka uu ka aamusay hal mudane sidoo kalana uu ka diiday hal mudane gudoomiyuhuna aanu codeyn sidaasina uu ku ansaxay xeerka liisamada ganacsiga dalka xeer lambar 98/2021.

Mudanayaal ka tirsan golaha oo ansixinta ka dib ka hadlay halkaasi ayaa ku dheeraaday muhiimada uu bulshada u leeyahay xeerkani iyagoo ku amaanay gudidii ka soo shaqaysay.   

HALKAN KA DAAWO WARKAN: