Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Daahfuray Barnaamijka GACMAHAAGA BIYO KAGA DHARAG Oo Lagaga Faa’iidaysanayo Biyaha Roobka

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta daahfuray barnaamijka GACMAHAAGA BIYO KAGA DHARAG oo ku sabsan sidii biyaha roobka looga faa’iidaysan lahaa.

Madaxweyne ku xigeenka oo madaashi khudbad kooban ka jeediyey ayaa sheegay in loo baahan yahay inay bulshadu biyaha qabsato, sidoo kalena barnaamijkani yahay barnaamij balaadhan oo bulshada lagu wacyigalinayo inay biyaha roobka ka faa’iidaystaan.

Dhinaciisa Wasiirka wasaaradda horumarinta khayraadka biyaha Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xusay muhiimada ay leedahay in biyaha la qabsadaa, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Wasaaraddu waxa ay barnaamijkan Gacmahaaga biyo kaga dharag u daahfuraysaa sidii ay bulshada Somaliland ugu wacyigalin lahayd uguna dhiirigalin lahayd inay biyaha roobka ka faa’iidaystaan”.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Biyaha Maxamed Xasan Dirir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xusay muhiimada barnaamijkan, waxaanu yidhi “Barnaamijkan gacmahaaga biyo kaga dharag waa barnaamij aynu doonayno in quwada bulshadeena looga faa’iideeyo sidii ay u qabsan lahaayeen biyaha roobka, si la mid ah sidii dalkeenan Somaliland loogu dhisay quwada shacabka, waxaanu hawlgalkani xal u noqonayaa xal u helida baahida biyo la’aanta ee ku baahsan bulshadeena”.

Shirkan daahfurka hawlgalka gacmahaaga biyo kaga dharag oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Biyuhu ayaa waxa ka soo qayb galay dhinacyo kala duwan oo bulshada ka socda, kuwaasi oo ay ka mid yihiin La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada, Taliyaha Ciidanka Dabdamiska, Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka.

Waxaana Intii uu shirku socday lagu lafoguray siyaabaha ugu haboon ee looga faa’iidaysan karo biyaha roobka iyada oo la adeegsanayo cududa bulshada Somaliland.

Wa bilaahi tawfiiq