Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Oo Soo Xidhay Shir Dib Loogu Eegaayey Qorshaha Wasaaradda

Boorama – (warsoor) – Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland ayaa soo xidhay shir sannadeedkii dib u eegista qorshe sannadkeedii 2020-kii iyo dejinta qorshe sannadeedka 2021.

Kulankan oo saddexdii cisho ee u dambaysay ka socday magaaladda Borame ee xarunta gobolka Awdal ayaa maanta si rasmi ah loo soo gebo gebeeyey, iyada oo uu xidhitaanka shirkan goob joog ka ahaa Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland Md Cabdirashiid Ducaale Qambi, Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Jamaal Cabdi Muuse, Agaasime waaxeedyadda wasaaraddaas iyo isu duweyaasha wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland ee goboladda dalka.

Waxa ugu horeyn xidhitaankii shirkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland Jamaal Cabdi Muuse, waxaanu tilmaamay in shirkaas lagu dejiyey qorshihii sannadka cusub ee 2021-ka ay ku shaqayn lahayd wasaaraddu, isla markaana lagu qiimeeyey waxyaalihii ka qabsoomay qorshihii wasaaradda u dejisnaa ee sannadkii hore ee 2020, iyada oo la dhamaystiraayo lana dardar gelinaayo mashaariicda horumarineed ee ka socota goboladda Somaliland, iyada oo la diyaarinaayo mashaariicda horumarinta guryaha shaqaalaha oo la dardar gelin doono, loona dhaqaajin doono sida ugu dhakhsaha badan.

Agaasime Jamaal Cabdi Muuse waxa uu sidoo kale sheegay in uu kasoo baxay kulankan hirgelinta qorshe magaaleedyadda ay wasaaraddu waday  oo hore loo wadi doono iyo in la sameeyo unugga Heeganka Ilaalinta dhulka danta guud ee Jamhuuriyadda Somaliland ,kuwaas oo loo daadejin doono ilaa heer gobol.

Sidoo kale isu duwaha wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland ee gobolka Awdal Saleebaan Aadan Samatar iyo Agaasimaha waaxda Dhulka iyo Guryeynta ee wasaaraddaas Maxamuud Maal Cali oo halkaas ka hadlay ayaa bogaadiyey qorsheyaasha kasoo baxay shirkaas.

Ugu dambayn Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland Md Cabdirashiid Ducaale Qambi oo halkaas ka hadlay ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shaqaalaha wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland ee ka qayb qaadanaayey shirkaas, isaga oo uga mahadceliyey qorsheyaasha wax ku oolka ah ee ay wasaaradda u sameeyeen sannadkan 2021.