Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland oo la Kulmay Xubno ka socday Hay’ada IFC ee Baanka Aduunka

Hargeysa – (warsoor) -Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Wafti ka socday Ururka IFC oo ka tirsan Baanka Aduunka oo u yimi sidii loo kobcin lahaa Dhaqaalaha Dalka iyo Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Ganacsiyada gaarka ah, waxaa kulankan si qoto dheer loogu lafo-guray sidii loo horumarin lahaa Ganacsiga gaarka ah iyo koboca  dhaqaalaha.

Waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku si balaadhan uga hadlay in Xukuumad ahaan ay wax badan ka qabteen sidii loo horumarin lahaa ganacsiga iyo ganacsatada, doorweyna ay ka geystaan kobocooda dhaqaale.  Xubnaha ka socday baanka Aduunka oo ka koobnaa laba xubnood oo kala ah, Marwo Kaltuun Maxamed Xasan iyo Mr Patrick Banya ayaa iyaguna tilmaamay in ay si weyn ula shaqayn doonaan Xukuumada iyo ganacsatada.

Gabogabadii waxaa halkaas Heshiis wada-shaqayneed oo gaar ah ku saxeexay Wasaarada Gancsiga iyo  Rugta Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.  Heshiiskaas oo aas-aas u noqon doona  Wada-shaqayn balaadhan oo dhex marta Xukuumada, Ganacsatada iyo Baanka Aduunka.

 

Waxaa  kulankan  iyaguna goobjoog ka ahaa oo ka qayb galay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Mudane. Cumar Shucayb Maxamed, La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada, Mudane Khadar xasan cali Gaas, Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed , Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Jamhuuriyada Somaliland Mudane Ibraahim Ismaaciil Cilmi. Waxaanu kulankaasi ku dhamaaday is fahan iyo wada shaqayn loo balamay.

Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Saxaafadda 

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap