Madaxweyne Farmaajo oo U Safray Addis Ababa

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, wax yar un kaddib markii uu saxiixay sharciga Batroolka dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga qeyb galaya shir madaxeedka sanadlaha ah ee Midowga Afrika.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aaday, iyadoo maanta ay ku beegan tahay 8-da February seddax sano ka hor markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa bilihii u dambeeyay safarada ugu badan ku tagayay magaalooyinka Asmara iyo Addis Ababa, oo madaxda labadaas dal ay ku mideysan yihiin isbaheysi saddex geesood ah oo iskaashiga dhaqaalaha iyo is dhex galka seddaxda dal ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay ku heshiiyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.