Golaha Agalka Sare ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo Ansixiyey Hindise Sharciyeed

MUQDISHO – (WARSOOR) – Golaha Aqalka Sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda dhexe ayaa ansixiyey hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa maanta shir guddominayay guddomiyaha golaha Aqalka Sare ee Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayada ay ku-wehliyaan guddomiye ku-xigeenadiisa Senator Abshir Maxamed Axmad iyo Senator Moowlid Xuseen Guhaad.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa marinta akhrinta iyo cod u qaadidda hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka.

Guddomiyaha guddiga ku meel gaar ka ah ee ka baraandegista hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka ayaa ka hor akhriyay golaha warbixinta akhrinta 3aad ee hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka heer federaal.

Intaas kadib golaha ayaa dood dheer ka yeeshay sharcigan, iyadoo markii dambe cod loo qaaday meel marinta hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo natiijada codeynta ku dhawaaqay ayaa yiri “Waxaa Ogaalatay 27 Senator, Waxaa diiday 6, cidna kama amuusin, sidaas ayuuna ansax ku yahay hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka”.

Ansixinta sharcigan ee golaha Aqalka Sare ayaa ku soo beegmaysa iyadoo saluug badani ka jiro qaar kamid ah maamul goboleedyaduna ay ku doodayaan in aan laga tala gelin.

Sidoo kale waxa uu ku soo aadayaa iyadoo maanta uu madaxweyne Farmaajo saxiixay sharciga Batroolka dalka oo dhawaan ka soo gudbay golaha Aqalka Sare, kaas oo isna ay ka soo hor jeesteen maamul goboleedyada qaar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.