Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka Qaran ee Dhammeystirka arrimaha Doorashooyinka

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.