Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Shirkadaha Fulin Doona Mashaariicda Laba Dhaam Biyood

HARGEYSA – (WARSOOR) – Gudoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen ayaa sheegay in labadaa dhaam oo mid ka mid ah laga qodaayo degaanka Go’da wayn ee gobolka Saaxil oo ay ku soo tartameen 8 shirkadood, waxaana ku guulaysatay shirkada Amisoma, iyadoo dhaamka labaad oo laga qodaayo degaanka Sheekh Moodhle ee gobolka Maroodi-jeex, ay ku soo tartameen 11 ay ku guulaysatay shirkada Cali Construction Company.

Gudoomiye Nuux Maxamed wuxuu shirkadaha ku guuleystay qodida labadaas dhaam uu u soo jeediyay in ay qodaan dhaamam tayo leh, iyagoo raacay qorshaha ay wasaaradda horumarinta biyuhu u dhigeen qodida dhaamamkaas, waxaanuu xusay in guddida qadaraasyaduna ay ku daba gali doonto shirkadahaasi sida ay mashaariicdaas u fulinayaan.

Ugu dambay qaar ka mida shirkadihii guuleystay ayaa sheegay inay mashaariicdaas ku fulin doonaan xiligii loo qorsheeyay, halka shirkadihii laga guuleystayna ay u hambalyeeyeen labada shirkadoood ee ku guuleystay hirgelinta labadaa dhaam.