Madaxweyne Farmaajo oo Boggaadiyey Horumarka Taliska Ciidanka Asluubta ay ka sameeyeen Xabsiga dhexe ee Xamar

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ahna Taliyaha ugu sarreeya Ciidamadda qalabka sida Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo  ayaa maanta Booqday Xabsiga dhexe ee Xamar,isagoo soo kormeeray qeybaha Xabsiga uu ka kooban yahay sida Qolalka ay ku xiran yihiin Maxaabiista, Xarunta Warshada tababarka Maxaabiista, Goobaha waxbarasho iyo xarumo kale, waxaana Madaxweynaha Xabsiga kusoo dhaweeyey   Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiirka Cadaaladda Gen C/llahi Jaamac Ilka-jiir iyo Saraakiil kale.

Cutub ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Madaxweynaha Salaam sharaf siiyey,waxaana intaasi ka dib uu tagey Xarunta tababarka Maxaabiista oo ay ku sugnaayeen Maxaabiis shaqeyneysa,Isagoo soo arkay una riyaaqay Agabyadda kala duwan ee Maxaabiista ay soo saaraan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka sheegay Munaasabad lagu qabtay Gudaha Xabiga dhexe in Taliska uu sameeyey Horumar aad u balaaran iyadoo Darruufo kala duwan ay jirreen, hadana hiigsiga Taliska Asluubta uu yahay mid sare.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sheegay in  Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu u yeelan doonno ilgaar ah, Maadaama isaga uu kusoo koray Xarunta Agoonta Wiilasha ee Lafoole  oo ay maamulaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

‘Markii aan ku jiray Xarunta Agoonta Wiilasha ee Lafoole Barbaariyaasha joogay Xaruntaasi waxay sameyn jireen habeenkii markaan seexaneyno Caloosheyna ayey taaban jireen si ay u ogaadaan in ay gaajo na heyso iyo inkale, sidaas oo kale ayaan rabnaa in Maanta la sameeyo, ilgaar ah ayaana u yeelan doonnaa Arrimhaasi” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.