Madaxweyne Farmaajo oo baaq u diray Umadda Soomaaliyeed

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku gurmadaan inta lagu gudajiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee wax heysta laga doonaayo in ay caawiyaan dadka Masaakiinta ah ee gargaarka u baahan .

Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in la Afuriyo dadka aan haysan waxyaabo ay ku Afuraan.

Dhanka kale waxaa uu umadda Soomaaliyeed ugu hambaleeyay Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu caawinaayo dadka Soomaaliyeed ee Masaakiinta ah ee kusoo ceyrtoobay Abaarihii ku dhuftay Soomaaliya.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.