Madaxweyne Farmaajo “ololaha dalkaagaa wax u qabso anigaa bilaabaya ee aan u istaagno”

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cadilaahi Farmaajo oo xalay ka qeyb galay xaflad lagu xusayay 15-ka May oo ka dhacday xarunta Aqalka Hoose ee Xamar ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan sidii dalkooda ay wax ugu qaban lahaayeen.

Mudane Farmaajo ayaa  dadkii munaasabadda yimid ka codsadey in ay u duceeyaan dhallinyaradii SYL ee Halgalkii gobonnimada bilowdey, taariikhdeenna kaama  go’i doonta.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dibaatada Qabyaaladda leedahay, waxa uu ummadda Soomaaliyeed u soo jeediyey in ay ka fogaadaan Qabyaaladda. Waayo Qarankeenna ma dhiso ee waa uu dumiyaa.

“Fadhiga ha laga kaco, dowladda diyaar ayeey u tahay in ay awood siiso dhallnyarada Soomaaliyeed,  dowladda iyo shacabka ma doonayo in  dhexdeena la gelo, si midnimadeena muuqata aan u xoojinn idinkana sii wada taageerada dowladdiina aad u heysaan, caasimadda Soomaaliya  afarta sanno gudaheed waxaa naga go’an inaa ka soo saarno magaalada Africa uu quruxda badan uguna nadaafadda badan, sidoo kalena aan ka shaqeynno hirgelinta adeegyadiii bulshada, shacabka Soomaaliyeed xoogga haa saaraan sidii aan uga guuleysan lahayn kooxahaan nabadda diiddaan, dhowaanna dalka oo dhan ayaaan ka saareynaa” ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay bixiyaan canshuurtaa, laakiin waxa uu xusay in magaca canshuur la badeli doono haddii uu Barlamaanka ogollaado oo aan u bixinno Qaaraan Qaran.

“Saddexda bilood ee aan joogno waxaan qabannay, inaan  bixinay mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha Rayidka ee dowladda, waxaan bilowney inaan soo celinay Karaamadii ummaddeenna oo dalalka adduunka dhan ay noo muujiyeen in ay diyaar u yihiin u istaagidda wax wada qabsi buuxa, shacabka Soomaaliyeed dowladdaan waa middii shacabka, ugu dambeyn waxaan soo jeedinayaa magaalada markaa aragtaan meel walbaa wasakh ayaa taalla, waxaan bilaaabeynaaa ololaha dalkaaga wax u qabso, bishii laba saac kaliyah arrintaan aan ka shaqeynno anigaana bilaaabaya INSHA ALLAH, waxaan kaloo soo jeedinaayaa in maalinta 15-ka May loo asteeyo Maalin Qaran oo fasax ah” ayuu ku dhammeeyey madaxweynaha hadalkiisa.

 

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.