Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi

AbuDabay – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wadanka isutagga iImaaraadka Carabta kula kulmay dhaxal sugaha imaaradda Abu Dhabi Sheekh Maxamed Bin Sayid Al Nahyan ahna  ku xigeenka taliyaha ciidanka qalabka sida ee wadankaasi.

Labada Mas’uul  waxa ay kulankooda kaga wadahadleen xoojinta xiriirka labada dhinac, iyagoo sidoo kale ay isla soo qaaday kor u qaadida iskaashiga ganacsig, horumarinta, siyaasadda iyo amniga.

madaxweynaha_soomaaliya

Waxaa ay sidoo kale ka wada hadleen mashaariicda Imaaraadka Carabta uu ku taageerayo shacabka Soomaaliyeed sida dib u dhiska wadanka iyo arrimaha bulshada, si Soomaaliya ay awood ugu yeelato horumar iyo deganaansho.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaxal sugaha Imaaradda Abu dhabi waxaa uu warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dadaalada dowladda ay ugu jirto sidii meesha looga saari lahaa kooxda argagaxisada, isla markaana wadanka loogu soo dabaali lahaa nabad iyo xasilooni buuxda.

Shaikh Maxamed Bin Sayid  ayaa carabta ku adkeeyay in Imaaraadka Carabta ay ka go’an tahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si loo gaaro hadafka la hiigsanayo oo ah horumar iyo kala dambeyn.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.