Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Gudoomiyaha Maroodi-jeex

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4495/012017 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

              Naasir Yuusuf Daahir 

Secretary Office Media of the Presidential

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap