Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Si Rasmi ah Tuurta Ugu Ritay Go’aan ka Gaadhista Saami Qaybsiga Kuraasta Baarlamaanka JSL

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta qasriga madaxtooyadda kulan gaar ah kula yeeshay gudoomiyayaasha xisbiga qaranka si uu si rasmi ah ugala wareego masuuliyadda go’aan ka gaadhista Saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka Somaliland.

madaxweyne_siilaanyo

Gudoomiyayaasha saddexda xisbiga qaran KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo WADDANI Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro ayaa hore kulamo gaargaar ah oo ay yeeshay waxa ay ku heshiin waayeen tiradda saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka. Gudomiyayaasha ayaa markii ay ku heshiiin waayeen waxay isla qaateen inay u igmadeen madaxweynaha Somaliland go’aan ka gaadhista saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka Somaliland.

gudoomiyayaasha_xisbiga_Qaranka_SL

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa maanta isugu yeedhay Gudoomiyayaasha saddexda xisbig qaran, waxaanu si rasmi ah ugala wareegay inuu go’aan madaxweyne ku soo saaro saami qaybsiga xildhibaanadda baarlamaanka tiradda inta ay noqon doonta iyo cidd kasta saamiga la siin doono.

Halkan ka daawo warkaasi oo aanu ka soo xiganay Channelka Wariye Axmed-saki:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.