Madaxweynaha Somaliland oo La Kulmay Wefti Ka Socday Baarlamaanka Sweden

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday baarlamaanka Sweden oo booqasho ku yimid dalka.

Wefti ka socda Baarlamaanta Sweden oo uu hoggaaminaayey xildhibaan Arhe Ahmednaga. Madaxweynaha ayaa weftigan kala hadlay sidii dalka Sweden uu xayiraada socdaalka uga qaadi lahaa xildhibaanadda iyo masuuliyiinta xukuumadda ee danaynaya inay hawlo shaqo u tagaan dalka Sweden.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Xuseen Aadan

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee madaxtooyadda:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.