Garabka Dhallinyarta WADDANI oo Taakulo Lacaggeed Gaadhsiiyey Qoys Danyar ah oo Ubadkoodii Lacag La’aan Awgeed Loogga Soo Caydhiyey Dugsi Waxbarasho

Hargeysa – (warsoor) – Garabka dhallinyarta Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta deeq lacageed oo dhan 2,500,000 Sl/Shilling(Laba Milyan iyo Shan Boqol oo Somaliland Shilling ah) gaadhsiiyey qoyskii danyarta ahaa ee dhawaan wariye Khaalid Foodhaadhi oo ka hawl-gala warbaahinta Somaliland uu soo tabiyey in ubadkoodii lacag la’aan awgeed loogga soo caydhiyey dugsi waxbarasho oo ku yaala degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.

Waxaana wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo sida oo ay wehelinayaan Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Xoghayaha arrimaha dibadda Dr.Maxamed Cismaan Fadal, Xoghayaha cadaaladda Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi, guddoomiyaha garabka dhallinyarta Md.Maxamed Siddiiq Dhamme, Xoghayaha garabka dhallinyarta Md.Aftax Siciid Jaambiir, hoggaanka Maaliyadda garabka dhallinyarta Maxamed Muuse Tiyo, ay dhammaantood ba booqasho ugu tageen guriga qoyskaas danyarta ah oo ku yaala xaafadda Maxamed Mooge.
Booqashadan oo daarneyd siddii ay taakuladan lacaggeed u gaadhsiin lahaayeen  sida oo kale na ay xog-oggaal ugu soo noqon lahaayeen xaaladda nololeed ee qoyskaas danyartaa ah. ayaa ugu horreyn waxa halkaas ka hadlay Aftax Siciid Jaambiir oo faah-faahin ka bixiyey dhaqaalaha yar ee ay ku taakuleynayaan qoyskan danyarta ah.
“Dawladdu, waxa hore u sheegtay in ay waxbarashadu bilaash tahay laakiin berigii Xukuumaddii UDUB tii, ardayda waxa laga qaadi jiray 7000Sh/Sl ah(Todoba kun oo Somaliland Shilling ah), laakiin maanta ardaygii ba waxa laga qaadaa 18SH/SL, markaa bilaash iskaddaa yee intii hore ee dawladdii UDUB inaga ga tagtay ayey saddex laabeen, taasina waxa ay caddeynaysaa in KULMIYE uu umaddan caqliyaddiisa uu ku ciyaarayo. Markaa maanta waxa aanu idiin sheegaynaa in aanu u nimi in aanu dareenkayaga la qeybsano hooyooyin tira badan oo maalmahii ugu dambeeyey warbaahinta cabashooyin soo marinaayye ku saabsan lacago laga qaado ubadkooda oo weli ba iskuuladdii laga soo eryey, markaa haddii aanu nahay garabkii dhallinyarta waxa aanu dammaanad qaadeynaa in aanu bixino sannad dugsiyeedka ardeydan oo waxa aanu qoyskan maantak u wareejinaynaa lacag dhan 2,500,000 Sl/Shilling(Laba Milyan iyo Shan Boqol oo Somaliland Shilling ah).”. Ayuu yidhi Aftax Siciid Barre
Guddoomiyaha garabka dhallinyarta WADDANI Md.Maxamed Siddiiq Dhamme oo sida oo kale isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ka-faalo qaadeen sannad dugsiyeedka waxbarasho ee ardeydaas, isaga  oo dhanka kale dhaliilo adag u soo jeediyey Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay in uu hagraday shacabkiisa Somaliland.
“Aniga oo ku hadlaaya afkii dhallinyarta Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI guddo iyo dibad ba, waxa aanu damaanad qaadeynaa maanta oo aanu ugu nimi gurigan in aanu hooyada culeysku haysto ka dulqaadno  ee ubaxaa yar yar ee ardeyda ah dugsigii hoose dhaxe laga soo eryey markii ay awoodi kari waayeen in ay lacagtii iska bixiyaan, Somaliland waxa ka taagan duruufo badan, haddii ay waxbarasho lee dahay iyo haddii ay duruufo kale oo nololeed ba tahay markaa Mudane Madaxweyne haddii aad adigu xidhan tahay muraayadda Cagaarisada ah ee Lo’da Ustareeriya ku daaqdo anagu waxa aanu xidhan nahay muraayadda abaarta iyo omaska ee duruufaha Somaliland arkaysa, waxa aanu xog-oggaal u nahay in ay jiraan xaalado kale oo kuwan ka sii cakiran oo ka dhib badan in ay ku xeeran yihiin muwaadiniinta qaranka Somaliland.”.Md.Maxamed Siddii Dhamme
Hooyaddii danyarta ahayd ee dhashay ubadka laga soo eryey iskuulkaas, ayaa iyaduna dhankeeda ka dareen celisay deeqdan lacaggeed ee ay soo gaadhsiiyeen garabka dhallinayrta WADDANI, waxaana ay sida oo kale ka xog-warantay xaaladdeed nololeed iyo duruufaha ku gedaaman.
“Xisbiga WADDANI, gaar ahaan garabkiisa dhallinyarta aad baan ugu mahadcelinaynaa, sida fiican ee ay noo soo garab istaageen, dalku na waxa uu u baahan yahay in mas’uuliyiinta dawladdu ay ka war hayso shacabkeeda. Anigu caruurtaas aad arkaysaan ee aan haysto bil walba marka ay dhammaato ayaa iskuulka laga soo eryaa, waxa lagu soo khasbaa in ay lacag soo bixiyaan mid Iskuul leh, mid qaadhaan leh, mid nadaafaddeed leh iyo kuwo kale oo intaas ba noo dheer, hal maalin wakhtiga loo qabta na haddii la keeni waayo waa la soo eryaa, dawladduna waxa ay sheegtay in ay bilaash ka dhigayso waxbarashada Iskuulada se waanu ka xunahay in anaga oo dad danyara ah maalin walba intaas oo lacaggood oo aanan bixin karin na la weydiiyo, Markaa waad mahadsan tihiin intan Alle ha idin ka siiyo ajarkeeda,”.Ayey tidhi hooyaddii ubadkaas dhashay.
Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Dr.Maxamed Xaaji Cali Cabdi iyo Xoghayaha Cadaaladda WADDANI Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi oo iyagu na dhankooda halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadceliyey tallaabada mudan ee ay qaadeen garabka dhallinyarta WADDANI, iyaga oo dhanka kale na muujiyey dareenkooda Bani-aadamnimo ee ku aadan qoyskaas danyarta ah oo ay sheegeen in marka ay dadku dhexdooda isku naxariistaan in Alle uu uga naxariisto xagga samada.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaah (Cirro), ayaa isna sida oo kale dhankiisa halkaas ka hadlay, waxaana uu ka dareen celiyey taakuleyntan lacaggeed iyo weli ba sida oo kale duruufaha ku gedaaman qoyska danyarta ah.
“Ugu horreyn waxa aan umahad-naqyaa Khaalid Foodhaadhi oo suurto-geliyey in imaashaheenaasi uu ku suurto-galo warkii uu sameeyey in aynu qoyskan soo booqano, waxa kale oon si buuxda ugu mahadnaqayaa garabka dhallinyarta Xisbiga WADDANI oo runtii anaga na na soo kiciyey iyaga na ay arrintaasi damaqday, iyaga oo dhallinyarta aanay siddooda ba shaqeynin waxa ay go’aansaddeen in ay u gurmadaan ubaxa halkan taagtaagan ee dhallinyarada ah oo Iskuuladdoodii waxbarasho laga soo eryey oo sababta looga soo eryeyna ay tahay in Iskuuladda markii hore lagu yidhi waa bilaash se markii dambe ay lacag noqdeen, siyaasadda KULMIYE way fiicnayd in Iskuulada ay bilaash ka dhigto, laakiin waxa nasiib darro ah in maanta aanay Iskuuladdii bilaash ahayn oo berigii hore 7000 oo Somaliland Shilling ah ayey ahaan jirtee maanta ay marayso lacag 18kun/SH/SL ah, markaa halkaa waxa aad ka arkaysaa bilaashkii ka sakow in hada na ay saddex jeer laban laabman tay lacagtii.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).
Halkan ka daawo gudooomiye Cirro iyo hadaladii la jeediyey:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.