Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Wada-jir Ah La Qaatay Guddoomiyaha Baanka Dhexe Iyo Ururka Sariflayaasha Ee Wada-jir

Hargeysa – (warsoor)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta war-bixin ku saabsan Xaallada Sarifka suuqa ee Shillinka Somaliland si wada-jir ah uga dhagaystay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Sariflayaasha Wada-jir Barkhad Axmed Coofiye, Guddoomiye Ku-xigeenkiisa Abokor Cabdi Cawaale iyo Xog-haye Maxamed Cali Yuusuf.

Waxaanay madaxweynaha faahfaahin ka siiyeen labada dhinac xaaladda sarifku mudooyinkii u danbeeyey uu ka marayey suuqyada dalka, iyagoo xusay in uu haatan degan yahay, wakhti caalamka ay ka jiraan duruufo dhaqaale oo adag, kaas oo uu sababay Covid 19 ku, isla markaana Somaliland qabatay doorashooyin uu dhaqaale badani ku baxay, hadana aanay saamayn ku yeelan qiimaha shillinka Somaliland oo halkii si fadhiya.

Sidoo kale waxa ay xuseen in dedaalkaasi uu ku yimi iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya Baanka Dhexe, ururka Sariflayaasha wada-jir iyo Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil oo iyaguna door muhiima ku leh arrimahaas.

Ugu danbayntiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu labada dhinac uga mahad-celiyey hawsha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan, waxaanu kula dardaarmay madaxweynuhu inay marwalba tixgeliyeen duruufaha ku gadaaman bulshada qaybeheeda kala duwan.

ALLAA MAHAD LEH

Warbaahinta Madaxtooyada JSL