Golaha Guurtida Oo Iscasilaad Ka Aqbalay Xildhibaan Golahaas Iska Ka Baxay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xildhibaannada Golaha Guurtida Jsl ayaa cod gacan taag ah kaga aqbalay iscasilaad uu golaha u soo gudbiyay xildhibaan Cabdirashiid Xaashi Cabdi, kaasoo dhawaan maxkamadda sare ee Somaliland u dhaarisay inuu buuxiyo jagadii uu banneeyay marxuun Axmed Xaashi Cabdi.

Fadhigan maanta oo uu shir guddoominaaayay guddoomiyeenka kowaad ee golaha guurtida Jsl Siciid Jaamac Cali ayaa waxa golaha ku sugnaa 47 xildhibaan, cod loo qaaday iscasilaadda xildhibaankaasi, waxa ogolaaday 44 mudane, waxa diiday 1 mudane, waxaana ka aamusay 1 mudane, iyadoo aanu guddoomiyihuna codayn.

Sidaasna waxa golaha guurtidu ay kaga aqbaleen iscasilaaddii uu soo gudbiyay xildhibaan Cabdirashiid Xaashi Cabdi.

Geesta kale, golaha guurtida Somaliland waxay ka doodeen qodobka arrimaha bulshada oo ka mid ah ajandaha kalfadhi

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap