Madaxweynaha Somaliland oo Digreeto Ku Meel Mariyey Maalinta Xuska Dhalinyaradda Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa maanta digreeto madaxweynaha waxaa uu ku meel-mariyey in 20 February ay noqoto maalinta xuska dhalinyaradda Somaliland sanadkasta.

Digreetadan oo lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4570/022017 uu ku meel mariyey in maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo asteeyey in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:          Codsiga Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ee summaddiisu tahay WDHC/01/08/17, kuna taariikhaysan 16/02/2017, ujeeddadiisuna tahay Codsi Magacaabid Maalinta Dhallinyarada Somaliland;

Markuu Qiimeeyey:        Ahmiyadda ay Dhallinyaradu u leeyihiin Qaranka Jamuuriyadda Somaliland, isla markaana ay muhiim tahay in la dhiiri-galiyo;

Wuxuu Go’aansaday

In maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo asteeyey in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

In Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ay hirgeliso xuska maalintaa sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa Hay’addaha ku shaqada leh Arrimaha Dhallinyarada.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.