Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa digreeto madaxweyne ku magacaabay laba degmo oo ka tirsan goboladda Togdheer iyo Awdal.
Digreetaddan ayaa u dhignayd sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-4960/082017 uu maanta ku magacaabay labada degmo.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;
Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in Masalaha Gorad iyo Cali Xaydh loo magacaabo Degmooyin cusub;
Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;
Wuxuu go’aansaday;
- In uu Masalaha Gorad u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.
- In uu Cali Xaydh u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Awdal.”
This post is also available in:
Somali