Dagaal Gacan Ka Hadal ah oo Dhex Maray Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda Somaliland iyo Xildhibaan

Hargeysa – (warsoor) – Waxaa maanta dagaal gacan ka hadal ahi uu dhex maray Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Saleeban Cali Koore.

Dagaalkan ayaa xidhiidh la leh khilaaf ka dhashay muran ka dhashay doorashadii Gollaha Wakiiladda Somaliland oo xildhibaanada qaarkood ku doodayaan inuu guulaystay xildhibaankii la tartamay guddoomiyaha cusub ee golaha.

Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland Maxamud Faratuun ayaa xaqiijiyey dagaalkan gacan ka hadalka ah ee dhacay, waxaanu sheegay inuu ahaa khalad weyn, ciddii falkaasi ku kacdayna ay hadda xidhan tahay.

Halkan ka daawo shirkii jaraa’id ee warkan oo aanu ka soo xiganay channelka Bulsho TV:

https://www.youtube.com/watch?v=ebnSzDPO9kA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.