Madaxweynaha Somaliland Oo Dhagax Dhigay Dhaam Biyoodkii Ugu Horeeyey Ee Tabarucaadka Abaaraha

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka mid ah degmooyinka Caasimada oo ay ka socoto ururinta qadhaanka dadka abaaruhu saameeyeen loogu talo-galay in lagu xooleeyo, laguna sameeyo dhaamam iyo seerayaal dhaxal iyo dhigaal u noqda wixii abaaro ah ee soo noq-noqda, taasi oo lagaga gaashaamanayo wixii danbe.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu dhagax dhigay dhaam biyood laga hirgelin doono duleedka caasimada Hargeysa oo ku kici doona $12,000, iyadoo ay lacagtaasina ku deeqeen ururka Tawaasul oo uu u hadlay Xamse Cumar Ku joog oo ka mid ah da’a yartaa isxilqaantay, iyadoo dawladda hoose ee caasimada Hargeysa oo uu gadhwadeen u ahaa maayarka caasimadu ay dhaamka ugu deeqeen agabkii lagu qodi lahaa iyadoo madaxweynuhuna uu amray in la bilaabo qodista dhaamkaasi.

Halkan ka doon muqaalka kormeerka:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.