Madaxweynaha Somaliland oo Dardaaran Qiiro leh oo Waddaniyadeed ku Gunaanaday Shirkii Wada-tashiga Golihiisa Wasiirrada

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,  ayaa galabta soo gabogabeeyey  shirkii  wada-tashiga Golaha Wasiirrada cusub uga socday afartii maalmood ee la soo dhaafay  Huteelka  Royal Palace Hotel, oo ku yaalla galbeedka Hargeysa.

Madaxweynaha oo ka hadlay xidhitaanka kulankan ayaa yidhi “Aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa golaha wasiirrada iyo Madaxweyne ku-xigeenkaba hawshan qaran ee aad qabateen  afartii cisho  ee loo dhigi karo rag meel lagu xidhay, oo is yidhi ha soo bixina illaa aad talo keentaan oo aad wax soo saartaan, waana xeer iska jiray  Soomaalidii iyo dadkoo dhanba hadday wax xukumayaan oo ay dad u garqaadayaan iyo hadday tallo adag xalilayaanba caalamkoo dhan waa la go’doomiyaa cidda la doonayo inay maskaxda shiilaan, oo in aan dadka maskaxdooda la soo faro-gelin oo waxa kale soo jeedsan ayaa iska dhaqan ah adduunka oo dhanba qoloba af ay u bixisaba.

Markaa afartii  cisho waxa laydiin xidhay oo meel cidla ah la idiin geeyey,  qaranku wuxuu innaga sugayaa hawl badan iyo culays badan oo idinka idin saaran oo innaga ina saaran, dabadeed intaynaan hawsha gelin in aynu kasii tashanno hawsha, oo aad iyo aad u lafo gurno, axadhno innagoo fikir qudha wada wadana oo meel qudha wada socona oo si isku mida hawsha u qabanayna inaynu soo saarno wakhtigaaba  innagu yaraaye, markaa aad iyo aad baan idiinku mahad naqayaa wakhtiga badan rag odayaala oo qol lagu xidhay oo afar cisho xidhnaa ama intaas oo caano-maal waa hawl qaran.”

Madaxweynuhu wuxuu u soo jeediyay wasaaradaha inay  ku dhaqmaan inay wax isla gorfeeyaan inta aanay hawsha ay qabanayaan bilaabin, waxaannu yidhi;  “Waxaan jecelahay inay bilow inoo noqoto in wasaarad waliba gudaheeda intaa in leeg marka ay wax qabanayso kolka hore intaanay faraha la gelin ay tashato, in sharciyada lagu shaqaynayo la eego habka loo qabanayo in laga heshiiyo dabadeedna wadar loo dhaqaaqo, waayo, waayo-arag badan baa ina tusaya dadka haddaanay marka hore sida wax loo qabanayo, aragtida iyo sharciga lagu shaqaynayo haddaan laga heshiin muran badan iyo kala cabashaa yimaada.

Markaa taasaynu kaga cararaynaa, waxaanay noqon doontaa inay dhaqan inoo noqoto oo  markii muddo la shaqeeyaba mar la is hubsado guud ahaan, wasaarad walba iyo hay’ad walbana gaarkeeda isu hubsato golayaasha kale ee qarankana sidaa kula shaqayno, ayaan leeyahay haynoo noqoto dhaqan.”

“Maanta (shalay) Baashe guddoomiyaha wakiillada  ayaanu  kulanay wuxuu yidhi  ‘miyaanu  raggii ciddi kasoo noqon?’  Waxaan ku idhi ‘iyagaaba jeclaystay oo ciddi kama soo noqon, wuxuu yidhi ‘dee waan sahan tegayaaye meesha ay tageenna waa meel fiicanoo waa ay iska nasanayaane, ma iyagoo qudhaa la xanaanaynayaa ragga kale miyaan la eegayn”. “kaalay ila soo arag baan idhi raggu wuxuu hayo,”ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynuhu wuxuu u mahadceliyay khubarro ka qaybgaatay kulankaas wada-tashiga ahaa, waxaannu yidhi; Waxaan u mahadnaqayaa raggii hawshan ka qaybqaatay ee waayo aragnimadooda innagu biiriyey, waxaan si gaar ah  ugu mahadnaqayaa Prof. Cismaan Sheekh Axmed oo isagoo hawlihiisa wata aan kala hadlay Washington oo uu degan  yahay malaa 40-sannadood iyo dheeraad oo aan ku idhi ‘waxa kale iska dhig oo kaalay dalkaa kuu baahane, waxaad shaqaynaysay shaqaysay.’  Waxa kale oday baad tahay maanta waanu kuu baahan nahay, rag badan baan la hadlay isaga mooyaane oo meelo badan jooga oo aan ka doonayey inay sidan u yimaadaan oo ay hawlahan bixiyaan, Saleebaan isagaaba u yimi furitaankii marka horeba  wuxuu la sii shaqaynayey machadka shaqaalaha.

Markaa wuu iga aqbalay toosna wuu u yimmi, saddex cisho markuu joogayna wuxuu soo galay hawsha. markaa aad baan ugu mahadnaqayaa si gaara waayo raggii la da’ada ahaa ka ugu cudur daar yari wuxuu igu yidhi “waar ninyow dhakhtarkaas baanan ka maarmayn, markaa aad baan odayaasha ugu mahadnaqayaa.”

Madaxweynaha Somaliland wuxuu ugu baaqay wasiirradiisa in macluumaadkii ay ka korodhsadeen kulankaas ay hirgeliyaan;  “Hadalku wuxuu ku koobnaanayaa maanta hawshaa aynu qabanay inaynu hirgelino, malaa aniguba  waan u baahan nahay waxan laydin baray maanta ee odayaashii waa weynaa Yaasiin oo kale uu leeyahay wax cusub baa nala baray sida laysu taago,  waxay ila tahay anigana  yaanan goordhow isku qaldamine anigana  ha laygu daro.

Waxaa inoo ballan ah inaynu mar walba wada tashanno waxna is xasuusino, beryahan danbe waxa caado innoo noqotay in laga xishoodo waxaas ma garanaayo,  waliba ninku haddii meel loo magacaabo ama dhawr shahaado iyo wax qaato oo taygaa isku giijiyo sidii gabaygii odaygii Af-qalooc uu sheegay dhawr iyo lixdankii, waxaa laga yaaba inuu kaba xishoodo in wax loo tilmaamo oo loo sheego. Ilaahayna (SWT) Qu’raankiisu ku sheegay is xasuusiya, xusuustu muslimiintay anfacdaaye, marwalba iyo saacad walba in wax lagu xusuusiyo waad u baahan tahay oo wax laguu sheego iyo inaad wax korodhsato, waxaana sunne ah qofku intuu aqoon korodhsado ayuun bay hoggaamintiisu hagaagaysaa akhri, ama dhegayso waxaa weeye kolkaa waa inaynu ka dhiganaa caado,”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi; “Waxaan is dul taagayaa qoddobka ah inaynu ku noqono midnimada iyo wada tashiga ilaa heerka  hoose ee waaxda hoose ah, aad iyo aad baan idiinku mahadnaqayaa  dhammaantiin,  machadka shaqaalahana  waan u mahadnaqayaa, Guuleed Hagoog, waxa   machadkaasi  uu hayaa  cilmi badan, qiimo bandanna wuu inoogu fadhiyaa. waxaan u mahadnaqayaa qolada garsoorka ee caddaaladda ka shaqaysa looyarro ama garyaqaanka guud oo anigu intii imika aan toddobaadkan la shaqaynayey aan aad ugu mahadnaqayo,  waayo waxaad moodaa wixii shuruuc dalka yaalay in la diyaariyey oo xeer nidaamiyihii dawladda la diyaariyey oo aad is odhanayso haddii waxanba la diyaariyey muxuu marwalba u yimaadaa khilaafka iyo is afgaran waagu, ma dadkaan waxba akhriyeyn miyaanay gaadhin?

Qoladaa keydka inoo hayaan aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa, waxaanan ku faraxsanahay dhallinyarada jaamacadaheenna ka soo baxay ee sharciga yaqaanka ah inay badan yihiin oo ay si fiicana u hayaan sharcigii iyo xusuustii hoggaanka.”

Innaga waxa  ina horyaala in si  hor ilaahay ah  inaan  inta ugu badan dedaali doono,  wixii dalka ka qabsooma shicibkuna abaalka ma qariyaan hadday arkaan wax toosan way na gargaarayaan, waxaa inoo ballan ah   inaynu qaranka u wada shaqayno innagoo middaysan oo isku jiho ah.  wixii khilaaf yimaada aynu wada xalino oo dawladdu ahaato far keliya, bani’aadan baynu nahay shaqooyin kala gaar ah ayeynu qabanaynaa, wasiirradaa isku dhacaya,  aniga iyo wasiirradaa isku dhacayna, baarlamaanka iska hor imanaya,  garsoorka layska hor imanayaa. Markaa  hogaamintu waa in la xalilaa mushkilada, inay mushkiladu dadkii la xukumaayey u talowdo maaha.

Markaa waxa imanaya shaki iyo shaydaan, laakiin dadkani waa inay iyagu gudahooda ku qabtaan wixii mushkilada oo ay taa bartaan haddaynu taa baran weyno,  waxba ma hoggaamin karno, dad loo sheegayo ma tihidin intiina badani waad soo marteen hawshaas waa inoo ballan iyo shaqo daacad ah iyo dalkeenoo  aynu si wanaagsan ugu adeegno,”ayuu ku dardaarmay madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi.

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.