Burco – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii balaadhanaa ee uu hogaaminaayey ayaa galabta soo gaadhay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.
Madaxweynaha ayaa ka hor intii aanu soo gaadhay magaaladda Burco waxaa si weyn u soo dhaweeyey dadweynaha ku nool inta u dhaxaysa Laascaanood ilaa Burco.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladda Burco waxaanu halkaasi salaam kaga qaatay cutub ka mid ah ciidamada 12-aad ee Somaliland.
Madaxweynaha ayaa goboladda Bari Somaliland ku maraayaa safar kormeer iyo ololaha diwaan-galinta iskugu jira oo loogu talo-galay diwaan-galinta codbixiyayaasha ee la filaayo in 23 bishan Aug ay ka bilaabanto gobolka Sool.
Halkan ka daawo warka soo dhawaynta madaxweynaha ee Burco oo aanu ka soo xiganay wakaaladda wararka ee SOLNA:
This post is also available in:
Somali