Madaxweynaha Somaliland iyo Saddexda Xisbi Qaran oo si wada jira uga hadlay Qodob oo muhiima

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran ayaa maanta si wadda jir ah u qabtay shir jaraa’id oo ay kaga hadleen saddex qodob oo muhiima.

Shirkan jaraa’id oo ka qabsoomay madaxtooyadda waxaana ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Labada Gudoomiye Xisbi Qaran ee WADDANI iyo UCID, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) Oo si wada jira Saxaafadda Ula Hadlay ayaa ka hadlay Saddex Qodob oo Muhiima.

Ugu horayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka sheegay in xanuunkani uu hadda dunida fara badan ku yahay, dalkana aanu ilaa hadda ka jirin xanuunkani, balse uu xanuunku muddo qaato, oo mar qudha dalka ka qarxi karo sida Ingiriiska ka dhacday oo kale.

Madaxweynaha ayaa bulshadda ku wacyi-galiyey inay qaataan talooyinka caafimaad ee dhakhaatiirta iyo guddida ka hortaga Coronovirus-ka, sidoo kale ay bulshaddu ka fogaato meelaha dadka badani iskugu yimaadaan, si goobaha lagu ciyaaro, meelaha wax laga iibsado iyo marfishyadda qaadka iyo wixii la mid.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Ardaydii Jaamacadaha Itoobiya wax ka dhiganaayey la faray inay dalalkoodii dib ugu laabtaa, waxaanu sheegay in arday badan oo Somaliland ahi ay hadda soo gaadheen Wajaale halkaasi oo lagu baadhaayo, si loo hubiyo xaaladooda.