Garoowe – (warsoor) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr. Cabdi wali Cali Gaas ayaa isku shaandhayn ku sameeyey maanta xukuumaddiisa. Madaxweyne Gaas ayaa isku shaandhaynta, magacaabis iyo xil wareejin ku sameeyey 8 wasaaradood.
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa u dhignaa sidan:
“Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 05 June 2016 Xafiiskiisa kasoo saaray digreeto xeer Madaxweyne Lr. 55 June 05, 2017.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay : Dastuurka Dawladda Puntland.
Makuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo
Markuu la tashtay: Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:-
- Waxaa Cabdiraxmaan Barkhad Warsame Wasiirka, loo magcaabay Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka
- Waxaa Cabdikhadar Faarax Shaaciye loo magcaabay Wasiirka Dib Udhiska Iyo Horumarinta Puntland.
- Waxaa Maxamuud Faarax Beeldaaje loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyadda.
- Waxaa Yaasiin Cabdi Seed loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
- Waxaa Cabdirashiid Cali Geele loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Amniga
- Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
- Waxaa Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore) loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka.
- Waxaa Aamina Maxamed Cabdulaahi loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
- Waxaa Cabdiweli Maxamed Yuusuf loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud.
Xeerkani Wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.”
This post is also available in:
Somali