Madaxweynaha Oo Kulan Sagootis ah La Yeeshay Xulalka Awdal Iyo Saaxil Oo Iyagu Sanadkan Noqday Horyaalada Koobabkii Gobolada Dalka

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta kulan sagootis ah la yeeshay xulalkii ku guulaystay koobabkii Gobolada dalka loo dhigay sanadkan oo ka koobnaa saddex koob kuwaasoo ay ku guulaysteen xulka gobolka Awdal oo qaaday laba koob oo kala ah Koobka kubbadda Cagta iyo Koobka Orodada, halka xulka Gobolka Saaxilna uu noqday horyaalka koobka kolayga ama baaskidka, halka ay koobka kubbadda cagtana ka noqdeen kaalinta labaad.

Waxa hadalka furay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Cayaaraha Somaliland, Mudane Cabdilaahi Faarax Maydhane waxaanu yidhi “Madaxweyne waa ciyaar yahanadii Awdal ee kubadda qaaday iyo kuwii orodada qaaday iyo kuwii baaskidka qaaday ee Saaxil oo kaaga mahadcelinaya martiqaadka sagootiska ah ee aad u samaysay xulalkaasi”

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sharaxay ujeedada kulanka madaxweynuhu la yeeshay dhalinyaradaasi waxa uu yidhi, “Mudane Madaxweyne maanta waxa halkan inoogu marti ah, ciyaartoyadii xulalka gobollada Awdal iyo Saaxil, ee ku guulaystay koobkii kubada cagta, koobkii kubada kolayga, iyo orodada. Waxa uu saaka halkan Madaxweynuhu idiinku marti qaaday in uu idiin hambalyeeyo idiina sii duceeyo, farxad weyn ayey noo tahay inaad maanta qasrigii Madaxtooyada qarankeena noogu timaadaan nuxurka ugu wayni waxa weeye in laydin xuso.”

Mudane Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay Qiimaha ay leedahay maamuuska uu madaxweynuhu u samaayey ciyaartoygaasi waxaanu yidhi “ Hogaamiyaha qaranku waa astaanta Umadda midaysa, Umadda halka looga talinayaa waa halka umadda magaceeda iyo maamuuskeedu uu yaalo, waa wax weyn in dadka la maamuuso, Qaran waliba uu dadkiisa maamuuso, waxana looga yeedhaa oo lagu maamuusaa qarankooda halka looga taliyo, waxana maamuus ugu sareeya marka hogaamiyaha Umaddaasi uu isagu maamuuso, arrintaas waxaan jecelahay inaan dhalinyarada hoosta uga xariiqo, waxa laga yaabaa in qaarkiin aanay micno wayn idiin samayn Karin, laakiin micno ayey xambaarsan yihiin kulamada noocan ahi.”

“Waxaan hambalyeynayaa ciyaartoyadii xulalkii koobabka ku guulaystay. Tartankii ciyaaraha gobolada dalku waxa uu ahaa tartan aad u qiimo badan, maalintii la furayna waanu ka qayb galnay anagoo wafti badan oo madaxweynuhu na hogaaminayo ah, maalintii la xidhayna waanu tagnay, wuxuu ahaa tartan qiimo badan oo isbadal weyni ka muuqdo qaabkii tartamada loo qaban jiray.”

Wasiir Maxamuud ayaa geesta kalena shaaciyey in Xukuumadu ay waddo qorshaha qabashada tartanada kooxaha heerka koowaad waxaanu yidhi, “Mustaqbalka waxaanu Xukuumad ahaan seeska u dhigaysaa oo Wasaaradda ciyaaruhu ay wada in tartanadii heerka koowaad (Serie A)-da, la qabto oo aanay noqon kuwo baaqda, qaranka gobol walba laba kooxood laga sameeyo ka dibana kolba gobol lagu ciyaaro, aakhirkana ay noqoto sida loo kala dhibco badan yahay, sidaas ayey wasaaraddu wada, anaguna waanu ka caawinaynaa, waanan u mahad naqayaa masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha, sidoo kale waxaanu u mahad naqaynaa xidhiidhada oo diyaar garow fiican ayey sameeyeen” Wasiirku waxa uu hadalka ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Qaranka Somaliland.

Madaxweynahana waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Farxad weyn ayey ii tahay in aynu maanta halkan ku kulano, ciyaaruhuna aad ayey ahmiyad weyn ugu leeyihiin qarankan, tartanka ciyaaruhuna ahmiyd weyn weyn ayuu u leeyahay dhalinyarada iyo dalka iyo guud ahaan ciyaaraha kala duwani, annaguna dawlad ahaan waanu dhiirigelinaynaa, tiimamkii ku guulaystayna aad iyo aad ayaanu ugu hambalyeynaynaa ka xukuumad ahaan, sidoo kale kuwii laga adkaadayna waan hambalyeynaynaa, qaranka ayey muhiimad gaara u leeyihiin ciyaaruhu waana is dhexgalka bulshada, waxaana naga go’an in aanu sii wadno dhiirigelintaas waanad mahadsan tihiin tiimamkiina guulaystayna waxan leeyahay mar kale hambalyo hambalyo”. Waxaana sidaasi ku soo xidhmay kulankii madaxweynuhu la yeeshay ciyaar yahanada gobolada Awdal iyo Saaxil oo ay wehelinayaan maamulka wasaarada ciyaaruhu.

dsc_0002 dsc_0000 dsc_0003

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.