Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo U Kicitimay Wadanka Jabuuti

Garoowe – (warsoor) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa manta u ambabaxay magaalada Jibuti ee dalka Jibuuti si uu uga qeybgalayo caleema saarka madaxweynaha wadankaasi Ismaaciil Cumar Geelle oo markale ku guuleystay doorashada dalkaasi.

cabdiwali-gaas

Madaxweyne Gaas oo saxaafadda ugu waramay garoonka diyaaradaha ee Bosaso ka hor inta uusan ka ambabaxin halkaas ayaa sheegay in ujeedada uu ugu ambabaxay Jibuuti ay tahay si uu uga qeybgalo munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Jibuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyo sidoo kale wadahadal dhica iskaashiga ku saabsan oo uu lasoo yeelanayo mas’uuliyiinta dalkaas.

Qaar ka mid ah warbaahinta Boosaaso oo madaxweynaha su’aalo ka weydiisay dibadbaxyada looga soo horjeedo kororka maciishada magaalooyinka waaweyn ee Puntlad iyo sare u kaca qiima dollerka, iyo sidoo kale dhacdadii dhawaan ay isku rasaaseyeen ciidamada ka wada tirsan bolicka Puntland ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aalahaas.

Dhinaca kale waxaa manta Jabuuti loo qaaday wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Garjab oo dhawaan ku dhaawacmay israsaareyn dhexmartay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland kadib markii uu muran gacan ka hadal  ah uu dhexmaray taliyaha ciidamada bolicka Puntland iyo taliyaha ciidamada birmadka.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.