Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Muaddane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Arbaca ah digreeto madaxweyne ku magacaabay sagaal xubnood oo qaban-qaabin doona xafladda xilwareejinta madaxtooyadda Somaliland.
Wareegtadan oo uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha la doortay muddane Muuse Biixi Cabdi ayaa u dhignayd sidan:
“Ujeeddo: Magacaabista Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah.
Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah. Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:
- Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye
- Maxamed Kaahin Axmed – Xubin
- Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon – Xubin
- Maxamuud Xaashi Cabdi – Xubin
- Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare – Xubin
- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – Xubbin
- Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin
- Eng. Ibraahim Daahir Dubad – Xubin
- Yuusuf Maxamed Cabdi – Xubin
Masuuliyadda Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurku waa diyaarinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta. Muddada xilka Guddidu waxa uu ku kooban yahay ilaa maalinta xil-wareejinta.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi,
Madaxweynaha La Doortay ee JSL”