Madaxweynaha JFS oo furaya wada-hadallada u dhaxeeya dowlad goboleedyada Puntland,Jubbaland iyo DFS

Muqdisho – (WARSOOR) – Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya mudane Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in caawa si rasmi ah uu u furmayo kulan ay yeelanayaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wada-hadallada u dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo DFS ayaa ku saabsan arrimaha doorashooyinka, waxaana xalay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo hordhac u ahaa kulanka caawa.

“Madaxweyne JFS ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland, Xalay ayay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo horudhac u ah kan caawa loo ballansan yahay”ayuu yiri agaasime Cabdinuur.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn u sugaya natiijada shirkaan oo ah mid muhiim u ah dalka,waxaana laga filayaa in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka.