Madaxweynaha Galmudug Oo La Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxwyenaha Dawlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdiga uu hogaaminayey ayaa maanta aqalka madaxtooyada Jamhuuriyadda Djibouti kulan kula qaatay Madaxweynaha Dalkas mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ayaa lagu qaadaa-dhigay arrimo muhiim ah oo dhinacyo kala duwan taabanaya oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga iyo amniga.

Madaxweynaha Galmudug waxaa ku wehliyay shirkaan Wasiirada Amniga, Arrimaha Gudaha, Gaadiidka iyo Masuuliyiin kale. Dhinaca kale waxaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku wehliyay kulankaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaadiidka, Maareeyaha Guud ee dekadaha Jabuuti iyo Danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya.