Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay xafladda daah-furka barmaamij-siyaasadeedka cusub ee xisbiga Kulmiye

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay xafladda daah-furka barmaamij-siyaasadeedka cusub ee xisbiga Kulmiye, munaasibadan oo ahayd mid balaadhan oo si weyn u agaasinayd laguna soo bandhigayey Buugga himilada uu higsanayo xisbigu in uu mar kale ku qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana halkaasi ka hadlay ka hor madaxweynaha gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo masuuliyiin kala duwan oo ka mida xisbiga, waxaanu gudoomiyuhu hadalka ku soo dhaweeyey madaxweynaha qaranka isla markaana ah musdanbeedka xisbiga kulmiye, khudbadii madaxweynuhu halkaasi ka jeediyeyna waxay u dhignayd sidan:-

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,,,

Hoggaanka, Guddida Fulinta, Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo marti sharafta kale, ee ka soo qayb gashay, Madashan lagu soo ban-dhigayo Barnaamijka Xisbiga, Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatu.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Ugu horreyn, mahad oo dhani, waxay u sugnaatay Allaheenna weyn, ee inagu manaystay nimcooyinkiisa kala duwan, gaar ahaanna maanta inoo suurtogeliyey, in aynu nabad qab isugu nimaadno, munaasibadan uu Xisbiga Kulmiye ku soo bandhigayo Qorshihiisa iyo hadafka uu ku hawlgeli doono, hadii EEBE idmo, Shanta sanno ee soo socda.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa ALLA mahaddii ah, in nabadda, xasilloonida, degenaanshaha iyo kala dambaynta ay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland maanta ku naaloonayaan, aanay deyn inagu ahayn dalkeenuna aanu-u-rahmanayn; balse ay tahay, mid ku timid dedaalka, kartida iyo isku kalsoonida shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale, Dawladnimada, Dimuqraadiyadda, koboca dhaqaale iyo horumarka bulsho ee aynu gaadhnay, ma aha mid la innooga soo waariday degel-shisheeye, balse waa mid hal-abuurkeeda iyo himiladeedaba, aynu innagu la nimid.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Shaki kuma jiro, oo waa laga wada dheregsan yahay, in Muddo Xileedkii Koowaad ee Xukuumadda KULMIYE, wax weyn ka qabatay horumarka iyo dhismaha Dalka. Waxaannu suurto galiney, horumar ballaadhan oo dhinacyo badan leh, oo la taaban karo. Isbeddelladani waxay ka turjumayaan, ballan-qaadyadii uu Xisbiga Kulmiye la galay bulshada, xilligii uu ku jiray ololaha Doorashada.

Sidoo kale, Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay, waxay kor u qaaday isku kalsoonida, wax wada qabsiga, rejada, filashada iyo yidi-diillada shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, gude iyo dibedba.
Horumarka iyo wax qabadka ay Xukuumadda Kulmiye dalka ka hirgelisay muddo xileedkeedii koowaad, waxa laga dheehan karaa, dhammaan Gobollada dalka oo idil, min Tuulo, Degmo, Gobol ilaa Caasimadda.
Dhawaanna, waxaannu shacabka Somaliland u soo bandhigi doonnaa, war bixin dhamaystiran iyo diiwaan koobsanaya dhammaanba wax-qabadkii Xukuumadda Kulmiye muddadii ay talada dalka haysay.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sannadkii 2002-dii, 23-kii May, aniga iyo xubno kooban, waxaannu abaabulnay, isla markaana dhidibada u taagnay Xisbiga Kulmiye, oo ah bahweynta ay bulshada Somaliland ku midoobeen.

Xisbiga Kulmiye wuxuu u taagan yahay, midnimada iyo horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland, ujeeddadiisa ugu weyn, ee uu hiigsanayaa waxaa bartilmaameed u ah, dhismaha iyo dhidibo-u-taagidda Qaran diimuqraadi ah, oo leh hannaan iyo haybad dawladnimo oo ay mahadiyaan muwaadiniintiisu.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Tan iyo xilligii uu Dalkani cagta saaray dhabada dimuqraadiyadda, Xisbiga Kulmiye wuxuu kaalin mug leh, oo muuqata ku lahaa geedi socodkii doorashooyinka, wuxuuna ka soo qayb qaatay dhammaan doorashooyinkii dalka ka qabsoomay ee Dawladaha Hoose, Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

Sida ay taariikhdu qirayso, Xisbiga Kulmiye wuxuu ka soo hooyey guulo wax ku ool ah, oo u gogol xaadhay, marxaladdan uu maanta Dawlad yahay.

Xisbiga Kulmiye, oo ah maanta Xisbul Xaakim, wuxuu talada Dalkan ee uu hantay, u soo maray jid dheer, oo uu sahay uga soo dhigtay sabir, dulqaad, tanaasul, tudhaale, talo wadaag iyo tawfiiq.

Xisbiga Kulmiye waa Xisbigii aan aasaasay, waana Xisbigii Madaxweynaha laygu doortay. Sidaa darteed, si uu barnaamijkii iyo wax-qabadkii u dhammaystirmo, waxaynu dhammaanteen u hawlgeli doonnaa sidii uu Xisbigu mar-labaad ugu guuleysan lahaa talada Dalka.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan jecelahay in aan halkan si niyad sami ah ugu mahad naqo, taageersayaashii tirada badnaa (rag iyo dumar) ee min bilowgii aasaaska illaa maanta, sida hagar la’aanta ah, hiil iyo hoo ula hareer taagnaa Xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale, waxaan si weyn ugu mahad celinayaa Madaxdii Xisbiga, Hoggaanka, Guddida Fulinta, Xubnaha Golaha Dhexe, iyo haldoorkii aan odayga u ahaa ee habeen iyo maalin garabka iyo gaashanka ii ahaa, taariikhda Xisbiga waxay kaga suntan-yihiin baal-dahaba. Intii dhimatayna, Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo.
Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaynu ku jirnaa gebagabadii iyo bilihii ugu dambeeyey ee Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay, taasoo talada dalka haysay laga soo bilaabo 27/07/2010-kii.
Dhinaca kale, waxa iyana foodda inagu soo haysa, haddii EEBE idmo, Tartankii Doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo u muddaysan 13/11/2017-ka.

Anigu, ka Madaxweyne ahaan, waxa iga go’an inay dalka ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah oo inoogu dhacda hannaan dimuqraadiya, kii calafku siiyana loo hambalyeeyo.

Waxaan ummaddayda u bayaaminayaa inaan ahay oday qaran oo dalka iyo dadkaba ay masuuliyad culusi ka saaran tahay. Sidaa darteed, Xisbiyada uu loollanku ka dhexeeyo ha ku kalsoonaadaan Xeerarka iyo Dastuurka Qarankeena iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, oo u xil saaran maamulka Doorashooyinka.

Waxan aaminsanahay in aqoonta, waayo-aragnimada siyaasadeed, sumcadda iyo miisaanka uu hoggaamiye walba leeyahay, ay door weyn ka ciyaari karaan kasbashada quluubta iyo maanka ummaddiisa iyo weliba kalsoonida iyo ixtiraamka uu ka heli karo beesha caalamka.

Haddaba, anigu qof ahaan aqoonta iyo waayo-aragnimada aan u leeyahay Guddoomiyaha ahna Murashaxa Xisbiga KULMIYE, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxan si kalsooni leh u odhan karaa inuu yahay Murashax waayo-arag ah oo leh tayo hoggaamiyenimo oo magac, maamuus iyo miisaanba ku leh Gobolka Geeska Afrika.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan aaminsanahay, in uu yahay hoggaamiye ummadda Somaliland isku wadi kara, halkaana ka sii amba qaadi kara hoggaaminta Qaranimada Somaliland iyo himilada Xisbiga Kulmiye, iyo horumarka uu dalkeenu ku tallaabsaday. Muddadii dheerayd ee soddonka sanno ka badnay ee aanu soo wada shaqaynay, waxaan idiin sheegaya xilligii uu ku soo biiray Ururka SNM, in uu wax weyn ku soo kordhiyey garabka militari ee Ururka.

Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Murashaxa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbiga Kulmiye, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waa masuul waayo arag ah oo aanu muddo Shan iyo Tobanka Sannadood ah, aanu ka soo wada shaqaynay Xisbiga iyo Xukuumaddaba. Waa masuul aad u fahansan haykalka dawladnimo iyo himilada uu qarankeennu hiigsanayo.

Sidaa darteed, waxaan cod-bixiyeyaasha Somaliland ugu baaqayaa inay codkooda siiyaan, Murashaxiinta Xisbiga KULMIYE.

Gebo-gabo iyo Dardaaran

Mudanayaal iyo Marwooyin,
Hadaf iyo himilo kasta oo aynu leenahay, waxaynu ku gaadhi karna, isku duubni, midnimo iyo wada jir. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in aynu midayno, muruqeenna iyo maskaxdeenna, isla markaana aynu meel uga soo wada jeedno ilaalinta nabadgelyada, madax-bannaanida iyo difaaca Qarannimada Somaliland.

Wax-qabadka ballaadhan ee Xukuumaddaydu ay qabatay, wuxuu ka mid ahaa ujeeddooyinka aan u aasaasay Xisbiga Kulmiye. Sidaa darteed, muddadii Xukuumaddu jirtay dadkii aan xilalka u magacaabay, waa ku ceeb inay cidi gaar u sheegato.

Ragga uu taratanku ka dhexeeyo, iyo inta ku xeeranba, waxaan kula dardaarmayaa, in aanay isaga qaldamin Qarannimada iyo loollaanka iyo laacdanka iyaga ka dhexeeyaa.

Somaliland Ha Guuleysato, Kulmiye Ha Guuleysto

Waad Mahadsantihiin Dhammaantiin,

Wa Billaahi Tawfiiq…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.