Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Weftigii uu Hoggaaminayey oo si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Jabuuti.

Hargeysa – (WARSOOR) –Β Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa gegida diyaaradaha ku soo dhaweeyey ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayaan wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Beeraaha, Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha, Mudane Maxamed Muuse Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland ee Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxda Waddanka Jabuuti kulan nasasho ah kula qaatay qeybta VIP-da ee Madaarka, waxaana Waftiga Madaxweynaha loo gelbiyey dhanka Hotelka Kempinski eek u yaala caasimadda dalka Jabuuti.