Madaxweynaha iyo Marwada Qaranka oo shacbiga Caasimada kala qaybgalay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta shacbiga Somaliland kala qaybgalay diiwaangelinta Codbixiyeesha oo si rasmi ah uga bilaabantahay gobolka Maroodi-jeex Saaka.

Madaxweynuhu markii uu gaadhay xaruntii layska diwaangelinaayey oo ahayd hay’adda shaqaalaha Dawlada waxa ku sii sugnaa oo ku sugaayey asxaabta qaranka, ka dibna madaxweynaha iyo Marwada koowaad ee qaranku waxay, buuxiyeen waraaqihii loogu talogalay in muwaadin kastaa buuxiyo si uu u dhamaystiro nidaamka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxanay sidaasi ku dhamaystireen shuruudihii looga baahnaa muwaadinka is diwaangelinaya.

Waxay ahayd 28-04-2016 markii mdaxweynuhu si rasmi ah ugu dhawaaqay dib u bilaabashada gobolada hadhsan ee diiwaangelinta, gaar ahaan gobolka maroodi-jeex oo ah kan ay subaxdii hore ee saaka ka bilaaban tahay, ka dib markii ay muddo bila ku jirtay hakad oo ay sabab u ahayd abaartii dabada dheeraatay ee dalka ka dhacday isagoo madaxweynuhu u arkay in aanay wada socon karayn in aanay wada socon karayn gurmadka abaaraha iyo diiwaangelinta codbixiyeyaashu, taas oo ahayd talaabo ay dad weynuhuna soo dhaweeyeen, hatan oo raxmaadkii inoo bilaabmayna uu madaxweynuhu dib ugu dhawaaqay bilowga diiwaangelinta.

Codbixinta ka bilaaban tahay gobolka maroodi-jeex ayaa la filayaa inay socoto ilaa 28 bisha May.

IMG_2487 IMG_2543 IMG_30469

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.