Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo ka Qaybgalay Aaska Marxuum Axmed-yaasiin Gaba-xaddi

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha cusub ee dhawaan shacabka reer Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay aas qaran loo sameeyey Marxuum Axmed-yaasiin Gaba-xaddi oo ku geeriyooday dalka dibaddiisa dhawaan, balse lagu aasay xabaalaha Naasa-hablood ee magaalada Hargeysa maanta.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo bulshada ka tirsan, ayaa ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay aaska marxuum Axmed-yaasiin Gaba-xaddi oo ka mid ahaa haldoorkii iyo halgamayaashii bulshada reer Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu goobta aaska kula kulmay xubno ka mid ah qoyska marxuumka oo ka tacsiyadeeyey geeridiisa, waxaannu kula dardaarmay inay ku sabraan qaddarka Alle, isaga oo marxuukana Ilaahay uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo.

Waxa kaloo Madaxweynuhu halkaa kaga hadlay taariikhdii ma guuraanka ahayd ee Marxuum Axmed-yaasiin Gaba-xaddi iyo kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee uu ku lahaa halgannadii kala dambeeyey ee bulshada reer Somailand soo martay, “Marxuum Axmed-yaasiin Gabay-xaddi waxa uu ahaa haldoorkii, aqoonyahankii iyo hoggaamiyeyaayaashii Somaliland raggii faro-ku-tiriska ahaa ee kasii hadhsanaa, muddadii isaga iyo raggii la faca ahaa ay dalka madaxda iyo talo-qabeenka u ahaayeen waxay soo mareen halganno badan oo kii Ingiriiska, kii SNM iyo kii dambe ee dib-u-heshiisiintu ka mid yihiin, waxaanay inoo jeexeen dad midaysan oo aan kala qaloonaynin oo aan kala qoqobnayn oo waxay isku qabtaan iyagu markaba xalliya,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA KA QAYBGALKA MADAXWEYNAHA EE AASKA:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.