MADAXWAYNE MUUSE BIIXI MAR KALE OO KU DHIIRASHO DOORASHO ADAG AH AYAA U HADHSAN !!!

Madaxwayne Muuse Biixi ayaa waxa uu sameeyey khamaar siyaasadeed isaga oo haysta aqlabiyada mayorada dalka xisbigiisu, sidoo kale sadex meelood laba meelood ka ah golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland oo uu dhamaantood caawa faro madhan ka taagan yahay.

Haddaba waxa jira hal-xidhaale iyo xeer u baahan ku dhac iyo geesinimo kale oo ah xeerka ururada siyaasadeed iyo axsaabta qaranka ee xeer lr-14/2021 oo uu ansixiyey golihii wakiilada ee hore , oo hadda la yaala guurtida jamhuuriyada Somaliland in uu saxeexo oo dhaqan galiyo si loo furo ururadii siyaasadeed oo ah xaq dastuuri ah oo dadka Somaliland leeyihiin.

Arinkani waxa uu u daran yahay xisbiga kulmiye maadaama oo uu doorkan doorasho gali doono isaga oo xusbigaasi ah cadeysimo oo aan haysan mayeradii aqlabiyada ahaa ee dalka , shirgudoonka wakiilada iyo sadex meelood laba meel Golaha wakiilada oo intiiba ay axsaabta Ucid iyo Waddani haystaan.

FURISTA AXSAABTA SIYAASADU MA MUCAARIDKA AYAY FAAIIDO U YIHIIN MISE MUXAAFIDKA?

Waa su’aal isweydiin leh , walow mucaaridku iska sii baqan jireen maanta waxa ay u daran tahay xisbiga talada dalka haya oo laga yaabo in aanu kaba soo hadhin tartanka ururada iyo axsaabta siyaasada , sidoo kalena waxaa aad 75% suuragal ah in ay ku xoogeystaan axsaabta mucaaridku maadaama ay maanta iyaga oo dhisan galayaan doorashada oo goleyaasha qaranka haysta wax ugu kordha mooyaane waxba ka dhimi mayso.

Maadaama ay dadka jamhuuriyada Somaliland aad u daneynayaan furistii ururada siyaasada waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ay quluubta dadka ku hanan lahaayeen hadii ay ku ololeeyaan waxaana aan hubaa in ay midhaheega guran doonaan axsaabta siyaasada ee mucaaridka ahi.

Markaa Madaxwaynaha Somaliland waxa horyaala mar kale oo go’aan qadhaadh oo adag ah oo hadii uu qaato laga yaabo in aanu xisbigiisu faaiido ka helin laakiin Madaxwaynaha ahaan taariikhaha uu ka tagayo ugu biiri kara hadii uu furo ururada siyaasada jamhuuriyada Somaliland oo haatan mudadii la furi lahaa bilo koobani inaga xigaan.

Dadka qaar baa u fahamsanaa in furista ururada siyaasadeed lagu wiiqayo mucaaridka oo masuuliyiinta qaar baa ku doodayey dood jaban oo ka hor imanaysa dastuurka iyo xeerarka dalka , sidoo kale na meesha ka saareysa xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland xeerarka dalku siiyeen.

Isku soo wada xoori waxa lagu jiraa xili xasaasi ah oo ah marxalado kala-guur oo ay kuraasida banayn doonaan goleyaashii deegaanada dalka oo dhan iyo golihii wakiilada ee hore , waxaana soo fadhiisanaya goleyaal ay aqlabiyada mayorada dalka mucaaridku leeyihiin sidoo kale aqlabiyada golaha wakiilada dalkana ay ku soo baxeen.

Arinkaasi oo fajaciso iyo layaab ku noqday dalka oo aad moodo in uu ka dhacay isbadel kacaanka iyo dareen bulsho ah oo lagu soo dhaweeyey isbadel siyaasadeed dalka ka dhaca sidoo kale fariin culus ay dadka jamhuuriyada Somaliland ugu direen xisbiga talada haya ee kulmiye oo ay yidhaahdeen isbadel baanu rabnaa.

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil