INAN RAG DHINACAAGA MOOYEE WALIGAA DHABARKAAGA HAKA EEGIN !!!

Soo bixistii kulmiye ee Madaxwayne Muuse Biixi kursiga hogaanka dalka gaysay waxa ku tuntuunsaday oo tacab galiyey Madaxwaynihii ka horeeyey ee Somaliland mudane Axmed siilaanyo iyo xukuumadiisii, iyada oo la odhan karo Muuse Biixi ba waxa uu sabab u ahaa Madaxwaynenimada siilaanyo oo uu tolkii oo dhan uga talaabsaday kii damac yeeshaba.

Ha yeeshee waxa aan uga socdaa siyaasada ma jiro qof bilaa ujeedo tacab qof kale u galiyaa aan aheyn dan uu leeyahay, dadkii sidaa ka dhignaa waxaa ka mid ahaa siyaasi Maxamud Xaashi oo tacab badan iyo tamar badan galiyey sidii Muuse u soo bixi lahaa isaga oo uu han ku jiro.

Muuse Biixi markii uu talada dalka gacanta ku dhigey waa la waayey qof siyaasi ah oo u badheedha oo odhan kara Madaxwayne waad qaldan tahay iyo halkaasi sidaa maaha waa sababta jarka ka tuurtay xisbiga kulmiye ee uu maanta tabayo in wax wayni ka qaldan yihiin.

Dhawr qof baa u badheedhay oo uu Maxamud Xaashi ka mid ahaa, xataa waxa fursad loo siin waayey in garnaqsigiisa la dhageysto, gar iyo gardaroba wuxuu yahay laakiin lagama hoos qaadin ee waliba caruurta ayaa la yidhi ku foodhya oo waa tuug dhaha , qaar aan waxba kulmiye ku kordhin karina xilal bay ku heleen aflagaadadiisa.

Inta uu aamusay ayuu shaxda intii uu ciyaari karayey ciyaarey, isaga uun baa muuqda e inta daaha dabadiisa ka soo ciyaareysa ee kalena tiro malaha, ceeb maaha e waa caado rag in hadii lagu buquujiyo adna intii aad awoodo itaalkaa muujisaa.

Bilowgii kaambaynka ayey qayladii koowaad Burco ka soo yeedhay oo lagaga cabanayo Maxamud Xaashi inta uu xaflad Kulmiye ah ka soo qayb galay ayuu yidhi anigu kulmiye ayaan ahay, waa hadal af gobaadsi in aan waxba looga ogoleyna waa ay u muuqatay !!!

Soomaalida ayaa hore ugu maah-maahday inan rag waligaa dhabarkaaga ha ka eegin ee dhinacaaga ka eeg oo looga jeedo raga lama yareysto damacoogana lama duudsiyo Itaalka uu doono ha lahaado e.

Rag is Gurayee

Mohamed Abdi Jama

Muxamed Dhimbiil