Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareeyey Weerar Ka Dhacay Magaaladda Gaalkacyo

Muqdisho – (warsoor) – Madaxda dawladda federaalka Soomaaliya ayaa cambaareeyey weerarkii maanta oo Axad ah lagu beegsaday xarunta dawladda Hoose ee magaaladda Gaalkacyo weerarkaasi oo ay ku dhinteen dad tiradoodu ay ku dhowdahay ilaa 20 qof tiro kale oo intaasi ka badna ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu horayn dhambaal tacsi ah u diray dadkii ku waxyeeloobay laba qarax ehelkoodii, qaraabadood iyo guud ahaanba shacbiga Soomaaliyeed.

Xasan-Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yidhi, “Dagaalka xaqa ah ee aan ku jirno ee hiilinta qiimaha nolosha dadka Soomaaliyeed wuu sii socon doonaa, waxaana idinku bishaareyneynaa in dhowaan la soo afjari doono, argagixisadana laga suulin doono geyiga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika oo dhan”.

ra'iisal_wasaar_cumar

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Md. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa isaguna cambaareeyey weerarkan ay maanta Al-shabaab ka fulisay Gaalkacyo waxaanu yidhi, “Dowladda Somaaliyeed aad ayey u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarunta dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo, Waxaan leeyhay shacabka Gaalkacyo si wada-jira meel ha oga soo wada jeestaan dhagar-qabayaasha bartilmaameed sanaya shacabka iyo Madaxda”.

gudoomiyaha_baarlamaanka_Soomaaliya

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa isaguna dhambaal tacsi ah u diray dhamaan ehelkii, qarabaadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed ee ay ka baxeen muwaadiniintiii ku dhintay labada qarax. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale cambaareeyey falka weerarka ismiidaaminta ee lala beegsaday shacbiga Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta xukuumadda Soomaaliya ka tirsanaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.