“Maanta Nasiib Weyn Waxaynu U Helnay In Garadag Aynu Ka Dhagax Dhigno Jaamacad Qiimo Weyn Leh, Oo Ay U Baahnayd.” Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

Garadag – (warsoor) – Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hoggaamiyey  wefti balaadhan oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan ayaa maanta magaalada Garadag ka dhagax dhigay Jaamacad ay dadweynaha deegaankaasi dhisanayaan.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sheegay in Jaamacaasi ay degmada Garadag u baahayd, isla markaana Xukuumad ahaan soo dhawanayaan dhismaheedana ay ka qayb qaadanayaa. Wasiirka ayaa sidaasi ka sheegay xaflada dhagax dhiga jaamacaasi oo maanta ka dhacday Garadag oo uu ka hadlay waxaanu yidhi “  Mashruuca halkan aynnu maanta ka dhagax dhignay waa mashruuc weyn, nasiib weyn waxaynu u helnay in Garadag aynnu ka dhagax dhigno jaamacad qiimo weyn leh, Garadag way u baahnayd jaamacad mar labaadna Somaliland oo dhan, gobollada bari iyo deegaankani waxa ay u baahnaayeen jaamacad tayo leh, oo qiimo leh oo wax ku soo kordhisa Jaamacadaha qaranka Somaliland. Somaliland jaamacado badan ayey leedahay, waxa aynu u baahan nahay inaynnu tayeyno, inay ba’taan ceeb maaha ee waa sax, qofku waa inuu adeega waxbarashada iyo adeegyada nolosha oo dhan ka helaa meel u dhow oo xatabadiisa ah, dunida horumartayna sidaas ayaa lagu qiimeeyaa.”

Wasiir Xaashi ayaa ka hadlay waxqabadka XUkuumadda KULMIYE Waxaanu yidhi “  Somaliland wax badan ayaa u qabsoomay qaran ahaan, muddadii todobada sanno ahayn ee xisbiga KULMIYE talada hayeyna wax weyn ayaa u qabsoomay, oo sagaal iyo tobankii sanno ee hore aan u qabsoomin, wax badana waa inaga qabyo, noloshu waa qabyo, wax weyn ayey tahay in maanta ay Garadag ay hesho jaamacad weyn oo qiimo leh, waxaan bogaadinayaa oo aan hambalyeynayaa himiladaas iyo hamigaa raggii keenay, Ibraahim Bare Nuur iyo Prof. KhadarCilmi Bare, runtii waannu ku bogaadinaynaa talaabo ummaddan wax u ah, danta guud ee ummadan ka turjumaysa ayey ku dhaqaaqeen aad ayaan ugu mahad naqayaa. Anagu Xukuumad ahaan waxaannu balan qaadaynaa in aanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland aanu ula tagno arrintan doorka Xukuumad ahaan aanu ka qaadanayno, Madaxweyn Siilaanyo waxa muddo xileedkiisii u hadhay afartan ciso, waxaan rumaysanahay markaanu mawduucaas u gayno inuu gacan weyn ka gaysan doono, halkani waa halkii Axmed Siilaanyo lagu boqray, waxay caan ku tahay Tuf oo ay leedahay, Garadag ninka laga caleemo saaraa Madaxweyne ayuu noqdaa, taa kaliya maaha ee waa guri aqooneed, waana guri nabadeed.”

Sidoo kalena Wasiirka Madaxtooyada aya rajo weyn ka muujiyey in jaamacaasi Garag ay hirgalin doonto waxaanu yidhi “ Jaamacadani way dhismaysaa, riyo maaha ee waa run, ragga wadaana rag kaftama maaha, indho-sarcaadisna maaha, waxaan ILAAHAY ka rajaynayaa inuu ina joojiyo iyada oo sawirka halkaa ku qorani uu run yahay oo aynnu xadhiga ka jarayno.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.