Maamulka Gobolka Sool oo Digniin u Diray Dadka Magaaladda Laascaanood Hub Ku Dhex Wata

Laascaanood – (warsoor) –  Maamulka Gobolka Sool ayaa amaro degdeg ah ku soo rogay magaaladda Laascaanood ka dib markii magalaadaasi ay ka dhaceen falal dil ah oo amniga magaaladda Laascanaood khalkhal galin gaadhay.

Gudoomiyaha, Maayarka iyo Taliyaha ciidamadda Qaranka ee gobolka Sool oo si wadda jir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaaladda Laascaanood ayaa shacbiga gobolka Sool uga digay in wax hub ah lagu dhex sidan karo magaaladda Laascaanood, waxanay sheegeen ciddii la arko iyadoo hub ku dhex sita in ciidamadu kala wareegi doonaan dibna aan loogu soo celin karin.

Magaaladda Laascaanood ayaa gabi ahaanba lagu soo rogay bandoo si loo adkeeyo amaanka magaaladda ka dib markii ay soo if baxeen saansaan colaadeed oo ka dhalatay labadii beelood ee ku dagaalamay Dharkayn-geeye iyo Dabdheer.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee maamulka gobolka Sool ku qabteen magaaladda Laascaanod.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.